Ciidammada Ashahaadda ladirirka ee dalka Kenya ayaa si khasab ah ku qafaaashay ugu yaraan 34 qof muslimiin ah labadii sano ee la soo dhaafay intii uu socday hawlgallo bahalnimo oo loogu magac daray ka hortagga waxa loogu yeero argagixisada.
Warbixin ay soo saartay hay’adda gaaleedka isku sheegtay iney u dooda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayeey kusoo bandhigtay dhacdooyin naxdin leh oo ciidamada Nasaarada Kenya kula dhaqaaqeen Muslimiinta ku dhaqan dalkaasi.
Hay’addu waxay sheegtay in ciidamada ammaanka Kenya ay geysteen tacaddiyo fool xun oo laga geystay magaalada Nairobi ee caasimadda ah iyo magaalooyin dhaca Gobolka NFD ee soomaalida laga heysto.
Warbixintan oo ka kooban 87 bog waxay diiwaan gelisay 34 dhacdo oo ciidammada melleteriga iyo kuwa Booliska Kenya ay ku lug lahaadeen islamarkaana lagu raafay Tobaneeyo qof shacab ah.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta.
Calamada.com