Dhageyso Waxgaradka Gobalka Mudug Oo Ka Hadlay Dagaalkii Duleedka Cammaara.

Waxgaradka Mudug saxIyadoo labo maalin ka hor dagaal culus oo lagu jibiyay maleeshiyaat ka kala socda maamulada Ashahaado la diriryada Puntland iyo Galmudug oo ay wehlinayeen ciidamo caddaan ah ka dhacay duleedka deegaanka Camaara ee gobalka Mudug waxaa dagaalkaasi ka hadlay odayaasha dhaqanka ee gobalkaasi.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay wareysiyo ay la yeelatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha dega gobalka Mudug kuwaasi oo ugu horeyntii bogaadiyay jabka soo gaaray maleeshiyaatka maamulada dowlada Itoobiya dhisatay ee Puntland iyo Galmudug iyo ciidamadii gaalada cadaanka ee duulaanka kusoo qaaday qeybo ka mid ah gobalkaasi.

Nabadoonka ayaa intaasi ku daray in odayaasha iyo guud ahaan shacabka ku dhaqan gobalkaasi ay ka go’antahay iney garab istaagaan Mujaahidiinta lana dagaalamaan Kufaarta iyo Murtadiinta.

Halkan Ka Dhageyso Odayaasha Mudug.

Calamada.com

Comments are closed.