Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab ayaa noo xaqiijiyey in xaley mujaahidiinta ay fashiliyeen weerar qorsheysan oo cutubyo ciidamo Shisheeye ah ay ku soo qaadeen degmada Awdheegle oo ka mid ah degmooyinka ku hoosjira gacanta Mujaahidiinta.
Afayeenka ciidanka Mujaahidiinta Shaykh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa Idaacadda Islaamiga Andalus u sheegay in ciidamo hubeysan oo watay laba diyaaradood oo helicopter ah ay xaley soo weerareen degmada balse ay dib u noqdeen iyagoo qasaaray oo aan gaarin hadafkii weerarkooda.
Shaykh Abuu Muscab ayaa sheegay ciidamada weerarka soo qaaday ay diyaaradaha soo dhigteen meel banaanka magaalada ah, ka dibna ay ciidamo lug ah u soo diray magaalada kuwaas oo u soo dhawaaday saldhigga degmada, ka ka dibna riday dhowr xabo oo Buleer ah.
Markii ay buleerka rideen ka dib, Ciidamadii mujaahidiinta ee joogay saldhigga ayaa xabad ku bilaabay cadowga, iyadoona halkaas uu ka dhacay dagaal xoogan oo ugu dambeyntii cadowga ku qasbay in uu isaga cararo goobta isagoo hoogay.
Ugu yaraan muddo 30 daqiiqo ah ayuu socday dagaalka sida uu noo sheegay taliska Mujaahidiinta, iyadoona ugu dambeyntii uu cadowga isaga cararay degmada ka dib markii mujaahidiintu ay heleen gurmad kale oo kaga yimid magaalada, islamarkaana uu sii xoogeystay dagaalka.
Shaykh Abuu Muscab wuxuu noo sheegay in aan la ogeyn halka ay ka soo jeedaan ciidamada soo qaaday weerarka balse ay ku hadlayeen luuqad shisheeye. Wuxuu sidoo kale sheegay in saaka markii la tagay goobihii lagu dagaalamay in lagu arkay dhiig iyo rasaas uu ka cararay cadowga.
Sidoo kale Saraakiisha mujaahidiinta ee goobta ku sugan ayaa noo sheegay in ciidanka weerarka soo qaaday ay inta badan isticmaalayeen qoryaha M16-ka iyo bambooyin ka dhaca qoriga Jebshaha kuwaas oo rasaastooda, qasnadahooda iyo fooqyadooda lagu arkay meesha uu dagaalku ka dhacay, waxaana jira sidoo kale qasaare culus oo soo gaaray cadowga marka loo eego dhiiga fara badan ee lagu arkay halkaas.
Taliska ayaa sheegay in ciidamada mujaahidiinta ay ku jireen feejignaan iyo heegan sare, markii uu cadowga soo galayey magaalada, islamarkaana taasi ay keentay in shisheeyaha uu ku hungoobo hadafkiisa, islamarkaana uu waayo fursad uu xaqiijiyo hadafkiisa.
Wuxuu sidoo kale taliska sheegay in Mujaahidiinta uu hal walaal ka shahiiday mid kalena ka dhaawacmay intii lagu guda jiray iska caabinta weerarka.
Weerarkan ayaa noqonaya midkii saddexaad oo ciidamo Ajaanib ah looga fashiliyo Wilaayada Islaamiga Sh/hoose, waxaana xusid mudan in sidaan oo kale mujaahidiinta ay u fashiliyeen weerar sanadkii 2013-ka ay ciidamo Faransiis ah ku soo qaadeen degmada Buulo-Mareer iyo weerar kale oo sanadkii 2014-ka lagu fashiliyey degmada Baraawe, kaas oo ay soo qaadeen ciidamo American ah.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Howlgalka Fashilmay.
Xigasho Radio Andalus.
Calamada.com
Alle ayaa mahad iska leh oo Fashiliyey Waxa ay damacsanaayeen Gaaladaan habeen madow ku soo duulay Goobaha ay ka arimiyaan WI ee Shabelaha Hoose Mujaahidiinta har iyo habeen inay u taagan yihiin Difaaca diintooda iyo dadkooda ha guulaystaan meel walba ay joogaan
Mujaahidiinta Allow Cadowga ka qabo waa marki 3aad oo ay ku fashilmaayaan Gaalada ayagoo kala kulmaayaan jab iyo halaag Allaahu Akbar ha Guulaystaan