Weerar Gaari Lagu Gubay Oo Ka Dhacay Duleedka Buurhakabo.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar dhabba gal ah u dhigeen maleeshiyaat ka tirsan maamulka gaala raaca Shariif Sakiin oo ku socdaalayay wadada isku xirta degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakabo ee gobalka Baay.

Kamiinkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka deegaanka Mooda-mooda oo ah deegaan dhaca wadada isku xirta labadaasi degmo.

Inta la xaqiijiyay weerarkaasi dhabba galka ah waxaa lagu gubay gaari ciidan waxaa sidoo kale lagu dilay Hal askari Labo kalane waa lagu dhaawacay oo gabi ahaantooda ah maleeshiyaatka maamulka dowlada Xabashida Itoobiya dhisatay ee Shariif Sakiin.

Kamiinkan ayaa kusoo aadayaa xilli maanta Barqadii kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya qarax culus lagula beegsaday wadada isku xirta degmooyinka Baydhabo iyo Bardaale oo ka wada tirsan gobalka Baay.

Calamada.com

Comments are closed.