Dhageyso WI Baay Iyo Bakool Oo Ku Dhawaaqday Xamlo Cinwaankeedu Yahay القرآن يا أمة القرآن.

xamlatul QuraanMaamulka Islaamiga gobalada Baay iyo Bakool ayaa ku dhawaaqay xamlo cusub oo ku aadan barashada Quraanka Kariimka’xamladaasi oo loogu magacdaray القرآن يا أمة القرآن.

Sheekh Cabdullaahi Garweyne oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee gobalada Baay iyo Bakool ayaa u xaqiijiyay Idaacada Islaamiga ah ee Andalus in xamlada guud ahaan ka bilaabatay degmooyinka iyo deegaanada Mujaahidiinta ka maamulaan Baay iyo Bakool.

Mas’uulkan ayaa intaasi ku daray in xamlada loogu tala galay in bulshada gobalada Baay iyo Bakool Quraanka la baro laguna baro Tajwiid iyo in la baro Tafsiirka Quraanka Kariimka.

Guud ahaan shacabka ku dhaqan gobalada Baay iyo Bakool ayuu sheikh Garweyne ugu baaqay iney ka faa’ideystaan xamladaasi.

Halkan Ka Dhageyso Xamlada القرآن يا أمة القرآن.

Calamada.com

Comments are closed.