Wararka ka imaanaya gobalka Baay waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya tiro dad shacab ah ay ku xasuuqeen mid ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa weerar ku qaaday guri ku yaala Tuula hoostagta deegaanka Awdiinle ee duleedka Baydhabo gurigaasi oo xiligii weerarka ay ku sugnaayeen rag culimo iyo mucalimiin isugu jira kuwaasi oo Quraan saarayay oday waayeel ah oo gurigaasi ku xanuunsanaa.
Ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ayaa si bareer ah gurigaasi ugu dilay ku dhawaad 15 ruux oo qaar kood ay gowracday’iyadoona dhacdadaan ay si aad ah uga naxeen shacabka ku dhaqan degmada Baydhabo iyo deegaanada hoostaga.
Xabashida Kufaarta Itoobiya oo ah cadowga kowaad ee Muslimiinta Somaliya waxey si xiriir ah u geystaan xasuuqyo ay kula dhaqaaqda dadka shacabka.
Halkan Ka Dhageyso Xasuuqa Naxdinta Leh Ee Xabashidu Geysatay.
Calamada.com