Kadib Kulan ballaaran oo 11-kii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday degmada Xarardheere ee gobolka Mudug bartamaha dalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn lasoo gunaanaday colaaddii u dhaxaysay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Jufada Gaabane ee Reer Xaaji Saleebaan.
Kulanka oo ahaa mid muhiim ah waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin katirsan xarakada SHM, wilaayada Islaamiga Mudug salaadiin iyo waxgarad katirsan beesha Reer Xaaji Saleebaan.
Shirka lagusoo gunaadaday Xarardheere ayaa xal waara looga gaarayay dagaalkii cuslaa ee dhaxmaray Jufada Gaabane ee katirsan beesha Xaaji Saleebaan kadib markii ay diiday in ay bixiso xoolaha Zakawaatka kadibna ay ciidanka Xarakada Al Shabaab tallaab shareecada islaamka waafaqsan ka qaadeen.
Sheekh Abuu Cadnaan waaliga Mudug oo isna madasha heshiiska ka hadlay ayaa sheegay sida ugu dhaqsida badan ay Mujaahidiinty gurmad ula gaari doonaan deegaanada Beesha Gaabane degto ee gobolka Mudug islamarkaana ay gacan ka geysan doonaan dib udajinta qoysaskii ku barakacay dagaalka.
Nabadoonka beesha Gaabane ee Reer Xaaji Saleebaan oo isna bayaanka akhriyay ayaa ballanqaaday in beeshu aysan mardambe dib ugu laaban doonin khaladkii ka dhacay.
Halkan ka dhageyso Nabadoon Cali Macalin Xasan oo Bayaanka Heshiiska Akhriyay MP3
Halkan ka dhageyso Sheekh Abuu Cadnaan Waaliga Mudug MP3
Salaadiin iyo waxgarad ka socday beelaha Soomaaliyeed oo madasha shirka ku sugnaa ayaa soo dhaweeyay go’aanada soo baxay waxayna beelaha kale kula dardaarmeen in ay sare u qaadaan taageerida halganka dalka ka socda ayna horseed u noqdaan ku dhaqanka shareecada islaamka.