Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Dhageyso Xildhibaano Iyo Siyaasiyiin Ka Tirsan Kenya Oo Ku Baaqay In Ciidamada Kenya Somaliya Laga Saaro.
  • Allposts
  • Warar

Dhageyso Xildhibaano Iyo Siyaasiyiin Ka Tirsan Kenya Oo Ku Baaqay In Ciidamada Kenya Somaliya Laga Saaro.

February 4, 2017

Kulbiyow_049Xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan xizbiyadda siyaasadda ee dalka Kenya ayaa ku baaqay in ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya, maalma un ka dib markii uu dhacay weerarkii lagu hoobtay ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaaday xeradii ciidamada saliibiyiinta Kenya ee deegaanka Kulbiyow.

Xogayaha guud ee xizbiga Dimuquraadiga ee dalka Kenya Jocob Hajji ayaa war saxaafadeed uu soo saaray madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta kaga dalbaday in si deg deg ah ciidamadooda looga soo saaro Soomaaliya, Isagoona tilmaamay in ciidamada Military-ga ay tobaneeyo askartooda ka mid ah ku waayeen weerarkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Kulbiyow.

Wuxuu tilmaamay in weerarkii ugu dambeeyey uu ka argigixiyey dad badan oo Kenyan ah, uuna keenay in shaki iyo su’aallo la geliyo awoodda ciidamada Kenya u leeyihiin in ay sii wataan howlgalkooda Military iyo dagaalka ay kaga jiraan Soomaaliya.

“Dadka Kenyaatigu wey ka daaleen wararka ku saabsan dhimashada ee Askartooda ka soo gaaraya weerarada ay kala kulmayaan argigixisada ee ku qabsanaya wadamo aysan iyagu lahayn” ayuu yiri Jocob, isagoona sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dib u eegis lagu sameeyo sii joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Siyaasiga caanka ah ee lagu magacaabo Wycliffe Oparanya ayaa isna sidaas si la mid ah ku baaqay in ciidamadooda laga soo saaro  Soomaaliya, Isagoona sheegay in hadda la joogo waqtigii ciidamadooda laga soo daadgureyn lahaa Soomaaliya. Wuxuu sheegay in Kenya ay weysay askar badan tan iyo markii uu bilowday duulaankii ay ciidankooda ku galeen Soomaaliya.

“Waxaan taageerayaa in ciidamadeena laga soo saaro Soomaaliya. Askar badan ayaa ku weynay dagaalada ka socda Soomaaliya, mana dooneyno in arintan ay sii socoto” ayuu yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu dowlada Kenya ka dalbaday in ay diyaariso istaraatiijiyad ciidanka looga soo saarayo Soomaaliya.

Ra’isul Wazaarihii hore ee dalka Kenya, ahna hogaamiyaha mucaaradka ee dalka, Raila Odhinga ayaa isagana dhankiisa taageeray qorshahan wuxuuna sheegay in qorshahan ay ku cadaadin doonaan xukuumada Kenya.

Xildhibaanka lagu magacaabo Benjamin Washiali oo isna laga soo doorto  magaalada Mumias ee galbeedka dalka Kenya ayaa Raila Odhinga iyo mucaaradkaba ka dalbaday in ay xildhibaanadooda ay ka dhaadhiciyaan sidii arintan lagu hor keeni lahaa baarlamaanka, go’aana looga gaari lahaa.

“Go’aankii lagu ansixinayey in lagu duulo Soomaaliya waxaa meelmariyey baarlamaanka dalka Kenya, Sidaas darteed mucaaradku waa in uu hadda xubnaha kaga jira baarlamaanka ka dhaadhiciyaa sidii baarlamaanka loo hor keeni lahaa qorshaha ah in ciidankeena aan ka soo saarno Soomaaliya, go’aanku ma ahan talaabo uu qof kaliya qaadi karo” ayuu yiri.

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta.

Calamada.com

Continue Reading

Previous: Sarkaal Iyo Askar Ka Tirsan Maamulka Axmed Madoobe Oo La Qarxiyay.
Next: Roobab Ka Curtay Gobalo Ka Tirsan Dalka Somaliya.

Related Stories

Daawo Sawirra Qaniimada Dagaalkii Labaad Ee Qaayib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirra Qaniimada Dagaalkii Labaad Ee Qaayib.

November 26, 2022
Weerar Iyo Qarax Ka Dhacay Qansaxdheere Iyo Beledweyne.
  • Allposts
  • Warar

Weerar Iyo Qarax Ka Dhacay Qansaxdheere Iyo Beledweyne.

November 26, 2022
Howlgallo Ka Dhan Ah Kenyaanka Oo Ka Dhacay Gobolka Mandheera.
  • Allposts
  • Warar

Howlgallo Ka Dhan Ah Kenyaanka Oo Ka Dhacay Gobolka Mandheera.

November 26, 2022

Sawirro

Daawo Sawirra Qaniimada Dagaalkii Labaad Ee Qaayib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirra Qaniimada Dagaalkii Labaad Ee Qaayib.

November 26, 2022
Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.

November 21, 2022
Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.