Dhageyso Xoolo Nool Oo Laga Qeybiyay Gobalka Mudug.

ari zakoMaamulka Islaamiga ee Xarakada Shabaabul ugu magacaaban gobalka Mudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay Zakada xoolaha nool ka qeybiyay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalka Mudug ee bartamaha dalka Somali.

Maalintii shalay waxaa zakada xoolaha nool wilaayadu ka qeybisay degmada Jowla iyo deegaanada hoostaga’iyadoona qeybinta xoolahaasi wilaayadu ay u xil saartay odayaasha dhaqanka ee qabaa’ilada dega gobalka Mudug.

Degmada Jowla waxey wilaayadu ka qeybisay inka badan (700) Todobo Boqol oo neef kuwaasi oo la siiyay inka badan (180)Boqol iyo Sideetan Qoys oo ka mid ah dadka danyarta ah ee ku dhaqan degmada Jowla iyo deegaanada hoostaga.

Wilaayada Islaamiga ah ee Mudug ayaa sidoo kale Zakada Xoolaha nool ka qeybisay degmada Xarardheera iyo deegaanada kala ah Caad iyo Dabagalo oo ka wada tirsan gobalka Mudug.

Halkan Ka Dhageyso Qeybinta Zakada Xoolaha Nool.

Calamada.com

Comments are closed.