Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Dhageyso+Akhriso Kalimad Qayim Ah Oo Uu Jeediyay Xakiimul Ummah Sheekh Ayman Al-dawaahiri.
  • Allposts
  • Warar

Dhageyso+Akhriso Kalimad Qayim Ah Oo Uu Jeediyay Xakiimul Ummah Sheekh Ayman Al-dawaahiri.

calamada May 8, 2016 3 min read
99

DR INFIRUUKalimad Cusub oo Cinwaan looga dhigay “ U Nafiira Shaam” ayay baahisay Mu’assasada Warbaainta ee As-saxaab, waxaana kalimaddani jeedinaya Amiirka Uruweynaha Mujaahidiinta Al-Qaacidda Sheykh Dr Ayman Al-Dawaahiri Xafidahullaah.

Kalimaddan oo la dhageysan karo muddo10 daqiiqo ah waxa uu Sheekhu diiradda ku saaray muhiimadda uu leeyahay Jihaadka ka soconaya dhulka Shaam, isagoona sheegay in Shaam ay maanta tahay  rajada Umadda Muslimka, wuxuuna ku sifeeyay Thowrada Shan sano jirsatay ee halkaas ka soconeysa inay tahay tan kaliya ee ku taagan dariiqa Saxda ah marka loo eego Thowraatkii loo bixiyay Gu’ga Carbeed ee Sanado ka hor ka dillaacay qaar ka tirsan Wadamada Carabta ee kuyaalla Mandiqadda Bariga dhexe.

Sheekhu waxa uu sheegay in Thowrada Shaam ay qaadday dariiqii dacwada iyo Jihaadka, oogitaanka Shareecada islaamka iyo isku xukunkeeda iyo u howl-gelidda sidii loo taagi lahaa Khilaafada islaamiga ah ee raashidada ah,taas oo aan aheyn Khilaafo la midka ah tii Xajaaj Binu Yuusuf Al-Thaqafi ee uu sheegtay Hogaamiyaha Jamaacada Dowladda Abuu Bakar Al-Baqdaadi.

Dr Sheykh Ayman Al-Dawaahiri waxa uu xusay in madaxyo weynta Mujrimiinta dunida oo dhan ay isugu tageen sidii ay u hor istaagi lahaayeen in Dowlad islaami ah laga dhiso dhulka Jihaadka iyo ribaadka ee Shaam, islamarkaana ay billowdeen Mu’aamaraat, heshiisyo,  cadaadisyo iyo ballan qaadyo, balse waxa uu tilmaamay in Allah uu doonay inay baaqi ahaato kooxo yar oo Mujaahidiin ah oo isugu jira Ansaar iyo Muhaajiriin, kuwaas oo ku sugnaaday xaqqa, iyagoo aan ka laba-labeyn, kolkaas ayayna Umadda Muslimka ah ee Shaam la duubmeen Jamaacadaas yar ee xaqqa ku taagan, isagoona caddeeyay in Umaddu ay kala fahantay Sax ahaanshaha Manhajka Mujaahidiinta iyo Xaqiiqda Manhajka bugta ah ee Khawaarijta Takfiiriyyiinta ah ee cusub, kuwaas oo uu sheegay inay Umadda ugu bishaareynayaan Khilaafadii Xajaaj Bin Yuusuf oo kale.

Isagoo la hadlayay Muslimiinta iyo Mujaahidiinta Shaam ayaa Sheykh Dr Ayman Al-Dawaahiri  waxa uu xasuusiyay inuu waajib ka saaran yahay in Jihaadka ka soconaya dhulka Shaam ay ka difaacaan Mu’aamaraatka iyo Shirqoollada loo maleegayo ee ay horkaceyso Dowladda Aala Sacuud, iyadoona Shirqoolladaas ay kusoo biyo shubanayaan sidii Shaam looga dhisi lahaa Nidaam huwan magaca islaamka, balse xaqiiqdii ah islaam bug ah oo la jaan qaadaya Calmaaniyadda, Dowlad Qaran iyo mid Qowmiyadeed, sidoo kalena la jaan qaadaya Nidaamka Caalamiga ah ee ay hoggaaminayaan madaxyo-weynta dambiilayaasha ah.

Wuxuu hoosta ka xariiqay Sheykh Ayman Al-Dawaahiri in Nidaamka Caalamiga ah iyo Xukkaamaatka Murtaddiinta ah ay walaaca ugu daran ka qabaan Mujaahiiinta Shaam ee taagan Xuduuda Filastiin, islamarkaana taxaddiga ku haya Yahuudda oo Sheekhu uu ku tilmaamay inay tahay Gobolka 51-aad ee Mareykanka.

Shaykh Dr. Ayman Adawaahiri waxa uu sidoo kale sheegay in qofkasta uu waajib ka saaran yahay sidii uu Jihaadka Shaam ka socda ugu taageeri lahaa wixii uu awoodo ee karaankiisa ah, sidoo kalena qof walba laga doonayo inuu ka shaqeeyo, dadkana uu ku guubaabiyo midnimada Sufuufta Mujaahidiinta ee dhulka Shaam, si dhulkaas looga xoreeyo Nidaamka Nuseyriga iyo taageerayaashiisa rawaafidda Safawwiyiinta ah iyo isbaheysatadiisa Ruushka iyo reer galbeedka Saliibiyiinta ah, si ugu dambeyntii halkaas looga dhiso Kayaan islaami ah oo Jihaadi ah.

“Walaalaheyga Mujaahidiinta ee ku sugan dhulka ribaadka iyo Jihaaka ee Shaam ee daafaha dunida ka kalayimid, Mas’aladda midnimada ee maanta waa Qaddiyad u dhaxeysa nolol iyo geeri, waad inaad midowdaan si aad u noolaataan idinkoo Muslimiin ah oo karaameysan oo sharaf leh, ama inaad is khilaaftaan oo aad kala tagtaan, kadibna mid mid la idiin cuno”. Ayuu yiri Sheykh Dr Ayman oo la dar daarmaya Mujaahiiinta Shaam.

Ugu dambeyntii Sheykh Ayman Al-Dawaahiri waxa uu ka hadlay arrin muhiim ah oo mudooyinkii u dambeeyay la hadal haayay, taas oo aheyd ku xirnaashaha Jabhatu Nusrah ee Ururweynaha Al-Qaacidda.

Waxa uu sheegay Sheykh Ayman inay horey dhowr jeer u caddeeyeen uguna cel-celiyeen in haddii Ahlu Shaam iyo Mujaahiiintooda ay dhistaan Xukuumad Islaami ah, Amiirkoodana ay doortaan in iyagu ka Al-Qaacidda ahaan ay ogol yihiin Khiyaarka ay dadkaasi qaataan, isagoona daaha ka rogay in iyagu aysan aheyn kuwo madaxtnimo raadinaya, balse ay yihiin kuwo doonaya isku xukunka Shareecada islaamka, sidoo kalena aysan dooneyn inay Muslimiinta maamulaan, hase yeeshee ay doonayaan in Muslimiinta lagu maamulo Diinta islaamka.

Sheykh Ayman waxa uu tilmaamay in iyagu ay ku baaqayaan midnimada Mujaahiiinta Shaam iyo inay ku kulmaan dhisitaanka Xukuumad islaami ah oo faafineysa Cadaaladda iyo Shuurada, soo celineysa xuquuqda, u nusreyneysa Mustadcafiinta, nooleyneysa Jihaadka, xoreyneysa dhulalka, kana shaqeyneysa  sidii loo xoreyn lahaa Masjidul Aqsaa, loona soo celin lahaa Khilaafo islaami ah oo ku dhisan Manhajka Nabi Muxamed SCW.

Halkan Ka Dhageyso Warbixin Ka Hadleysa Kalimada.

Halkan Ka Degso Kalimada Sheekh Dr Ayman.

Calamada.com

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso Warka Duhur Ee Andalus 01-08-1437 Hijri.
Next: Dhageyso Barnaamijka Caalamulyowm Ee Andalus 01-08-1437 Hijri.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022

Sawirro

Sawirro+Warbixinno: Mukhayam Cilmiyeed Loo Qabtay Ardayda Wilaayaadka.

Sawirro+Warbixinno: Mukhayam Cilmiyeed Loo Qabtay Ardayda Wilaayaadka.

June 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 3aad.

Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 3aad.

June 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 1aad.

Sawirro+Warbixin: Ceelbaraf iyo ciidamadii Burundi Xalqada 1aad.

June 5, 2022
Isbitaalka Guud Ee Magaalada Ceelbuur Oo Dib Loo Furay [Sawirro].

Isbitaalka Guud Ee Magaalada Ceelbuur Oo Dib Loo Furay [Sawirro].

May 31, 2022
Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

May 6, 2022
Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

May 4, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.