Dhageyso:Filimka Mu’asasada Alkataa’ib Oo Aad Looga Hadal-Hayo Mareykanka & Siyaasiyiin Mareykan Ah Oo Ka Hadlay.

CXpU6WgU0AESpWbFilimka maalin ka hor ay soo saartay mu’asasada Alkataa’ib, garabka Warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ahaa hadal-heynta ugu balaaran ee gudaha Mareykanka iyo warbaahinta reergalbeedka, Iyadoona filimka uu buuq iyo ra’yul caam ka abuuray gudaha wadanka.

Filimkan oo ahaa qeybtii 2aad ee silsiladda “Al-Dariiqu ILAL Firdows” ayaa soo gudbinayey qisaska ama sheekooyinka ilaa afar ka mid ah Shuhadada ka soo jeeda gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka balse wuxuu dhanka kale xambaarsanaa fariimo culus oo ku wajahan muwaadiniinta madow ee Mareykanka iyo dadka muslimiinta ah ee ku nool wadamada reergalbeedka gaar ahaan Mareykanka.

Wargeysyada iyo Television-da wadamada reergalbeedka gaar ahaan warbaahinada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa warbixino kala duwan oo ay ka diyaariyeen Filimka waxay ku sheegeen in uu ahaa Video beegsanayey Dadka Afrikaanka ah ee ka cabanaya cunsuriyadda kaga imaaneysa cadaanka iyo Muslimiinta lagu shabadeynayo magaca argigixisada, Uuna filimka ka soo muuqanayey muuqaalo iyo hadalo ay Mu’asasada Alkataa’ib ku adkeyneyso fariinta uu xambaarsan yahay filimka.

Waxyaabaha ugu weyn ee kiciyey buuq ayaa waxaa ka mid ah hadal todobaadyo ka hor uu jeediyey Musharaxa u ordaya xilka madaxtinimo ee Mareykanka Donald Trump oo Mu’asasada Alkataa’ib ay ku soo qaadatay filimka, kaas oo uu ku sheegayey “In Muslimiinta laga saaro wadanka, si rasmi ahna looga mamnuuco soo galitaanka Mareykanka”

Hadalka Gaal Donald Trump ka dibna, waxaa Video Alkataa’ib ka soo muuqanaya Shaykh Anwar Al-Cowlaqi oo ahaa Mujaahid Daacii ah oo Jihaadka ku soo hogaamiyey in badan dhalinyarada muslimiinta, kaas oo sii saadaalinaya in Mareykanka ugu dambeyn uu ku soo jeesan doono muwaadiniinta muslimiinta ah.

Donald Trump ayaa weerar kulul oo afka ah wuxuu kala kulmay in badan oo ka mid ah mucaaradkiisa iyo siyaasiyiinta xisbiga uu ka soo horjeedo Dimuquraadiga, kuwaas oo ku eedeynayey in uu fursad siiyey “Argigixisada, Islamarkaana hadalkiisa ay ka dhigteen Aalad ay ku soo jiitaan Muslimiinta Maadama uu banaanka soo dhigay wixii uurkiisa ku jiray.

Wareysi uu siiyey Barnaamij la yiraahdo Face The Nation oo ka baxa TV-ga CBS ee Mareykanka ayuu Donald Trump ku sheegay in aysan ceeb ahayn in uu sheego waxa uu aaminsan yahay, ayna jiraan dad badan oo isaga ku taageersan.

Wariye lagu magacaabo John Dickerson oo ah Ninka soo wareystay Musharaxan ayaa ka hor inta uusan wareysiga u gudbin daaray qeyb ka mid ah Filimka, ka dibna wuxuu ku yiri “AlShabaab waxay tiri Muslimiintu waa in ay Jihaadaan ama ay soo haajiraan, sida aad adigaba soo jeedisay marka soo ma muuqato in aad argigixisada fursad siineyso”

Laakiin Donald Trump oo qudhiisa daawaday Filimka ayaa wariyihan ugu jawaabay in isaga oo kaliya aanan lagu soo qaadan filimka, balse ay sidoo kale jireen hadalo iyo muuqaalo kale oo adkeynayey fariinta Mujaahidiinta ee ku socotay muslimiinta reergalbeedka. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in hadalkan uu yahay mid dad badan ay ku waafaqsan yihiin balse aysan jirin dad ku dhiiran kara oo oran kara Muslimiinta ha laga saaro Mareykanka.

Jaraa’idyada caanka ah ee wadamada reergalbeedka, Television-da, iyo Baraha Bulshada sida Twitter-ka iyo Facebook ayaa sidoo kale lagu hadal hayey guuxan uu kiciyey filimka Alkataa’ib, waxayna dhamaantood eedda dusha ka saarayeen Musharaxa Donald Trump oo ay sheegeen in uu adkeeyey fariinta Mujaahidiinta AlShabaab ee lagula hadlayey muslimiinta.

Haweeneyda lagu magacaabo Hillary Clinton oo iyaduna ah Musharax u tartamaya xizbiga Dimuquraadiga ayaa todobaadyo ka hor sheegtay in hadalka ninkan uu fursad diin doono Mujaahidiinta caalamka, ayna ku soo jiidan doonaan boqolaal muslimiin ah oo ka xumaaday hadalka Donald Trump.

Fariimaha ugu muhiimsan ee uu xambaarsanaa Isdaarka Alkataa’ib waxaa ka mid ahaa baaqii ku socday muwaadiniinta Madow ee Mareykanka, kuwaas oo filimka uu u bidhaamiyey wada kaliya ee ay kaga bixi karaan dulmiga iyo cunsuriyadda taas oo ah islaamnimada iyo Sidoo kale fariintii ku socotay muslimiinta Mareykanka ee iyagana lagu shabadeeyey magaca argigixsanimada kuwaas oo iyagana lagu booriyey in ay yimaadaan saaxaadka jihaadka oo soo haajiraan ama ay fuliyaan weeraro kaligiiduulnima ah.

Mu’asasada Alkataa’ib ayaa dhowrjeer sidan oo kale u soo saartay Aflaam xambaarsan risaalooyin adag oo ku wajahan Muslimiinta reergalbeedka kuwaas oo guux adag sameeyey. Waxaa Isdaaraatka sidan oo kale guuxa u kiciyey ka mid ahaa Filimkii Woolwich oo watay fariin ku socotay Muslimiinta Ingiriiska iyo Filimkii Westgate oo isna ku baaqayey in la weeraro xarumaha laga dukaameysto ee wadamada Canada, Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska.

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Saameynta Filimka.

Calamada.com

Comments are closed.