Dhageyso+Sawiro Raashiin Laga Qeybiyay Deegaano Hoostaga Degmada Ceelbuur.

Gudiga gurmadka Abaaraha Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud waxey saacadihii lasoo dhaafay raashiin qeybin iyo Biyo dhaamin ballaaran ka sameeyeen deegaano badan oo hoostaga degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud.

Raashiin qeybinta iyo Biyo dhaamintan waxa uu gudiga gurmadka Abaaraha Wilaayada Galgaduud u sameeyeen boqolaal qoys oo abaaruhu saameeyeen oo ku dhaqan deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur.

Deegaanada Jacar,Diri,Towfiiq’Dac’Ceel-meegaag,Daafeet,Cadalo,Ula jarad,Garbaweyn iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Ceelbuur gobalka Galgaduud ee Bartamaha dalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah qoysaska Raashiin qeybinta iyo Biyo dhaaminta loo sameeyay oo la hadlay Warbaahinta Andalus ayaa xusay iney si aad ah ugu faraxsanyihiin gurmadka ballaaran ee uga yimid dhanka guddiga Gurmadka Abaaraha ee Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud.

Sidoo kale Mas’uul ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha gobalka Galgaduud oo la hadlay Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa ka warbixiyay gurmadka maanta ay gaarsiiyeen dadka ku dhaqan deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur.

Halkan Ka Dhageyso Qoysaska Gurmadka Loo Sameeyay.

Halkan Ka Dhageyso Ma’uul Ka Tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha Galgaduud.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Raashiinka Laga Qeybiyay Deegaanka Jacar.

Calamada.com

1 Comment
  1. Bile says

    Maansha allaaah……..illaaaheeey idiin roonaaay

Comments are closed.