Dibad Baxyo Ka Dhan Ah Maamulka Cabdi Ileey Oo Ka Bilowday Kilinka Shanaad.

Warkarka ka imaanaya gobolka shiniile ee ka tirsan dhulka Somaligalbeed ee ayitoobiyaanku gumeystaan ayaa sheegaya in ay ka bilaawdeen mudaharaadyo waa weeyn oo looga soo hor jeedo Maamulka Xabashida itoobiya iyo Maamulka Ashahaado la dirirka ee uu madaxda ka yahay Cabdi Ileey.

Mudaharaadyadan oo uu badankoodu ka dhacay magalada Shiniile ee gobolkaas ayaa waxaa shacab caraysan ay xoog ku galeen xarunta mamulka daba dhilifika itoobiyanka ee magaalada.

Dadka shacabka ah oo ka caraysnaa dad ay xirxireen maleeshiyaatka Liyuu Booliska loo yaqaano ayaa sidoo kale xoog ku galay xabsiga Magaalda Shiniile iyagoo halkaas kasii daayay dad maxaabiis ahaa oo uu maamulku halkaas ku hayay.

Mudaaharaadayaasha ayaa ku guuleystay inay xubniha iyo ciidamada booliska ay ka cayriyaan inkastoo markii dambe ay dib ugu soo labteen kadib markii ay gurmadyo soo gaareen.

Dad fara badan oo aad u caraysan ayaa burburnaya xarumaha maamulka Xabashida ee Magaalada Shiniile, iyagoo baraha wararka lagu faafiyo ee ku dhaw dhaw kacdoon-wadayaasha itoobiya ay shegayaan in dagmooyin iyo tuulooyin badan oo kamida gobolka shiniile ay rabshado ka bilaawdeen.

Banaanbaxyada iyo kacdoonkan ka bilawday dhulka somaali-galbeed ee ay Itoobiya gumaysato ayaa waxuu daba socdaa kacdoonno kale oo qatay mudo ku dhaw shan sano oo ka socday wadankaasi itoobiya, kaas oo inta badan ay wadeen qowmiyadaha oromada iyo amxaarada, kuwaas oo markii dambe ku qasabtay in R/wasaarihii wadankaas Haeille Maryam Disileen in uu xilka iska casilo.

Xisbiga haya talada wadanka Itoobiya ayaa dhawaan R/wasaare u magacaabay Abeey Axmad oo ah shakhsi kasoo jeeda Qowmiyaha Oromada ee sida weyn uga soo horjeeday taliska Adis Ababa, waxaana jira tiro dhowr wasiiro ah oo loo magacaabay qawmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, arrintaas oo la aaminsanyahay inay tahay isku day la doonayo in lagu qaboojiyo xiisada ka taagan gudaha wadankaasi.

Falanqeeyayaasha dhanka siyaasadda ayaa sheegaya in magacaabista Abeey Axmad iyo wasiirada dhowrka ah aysan wax weyn ka badali doonin siyaasada dowlada Itoobiya oo ay maamulkeeda leeyihin saraakiisha qowmiyada Tikreega ah, oo iyagu wadankaas xoog ku haystay tan iyo sanadkii 1991, xilligaas oo ay dhaxleen taliskii Mingisto Xayla Maryam ee Qawmiyada Amxaarada.

Comments are closed.