Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Dibad Baxyo Rabshada Wata Oo Gilgilay Magaalooyinka Waaweyn Ee Dalka Faransiiska.
  • Allposts
  • Warar

Dibad Baxyo Rabshada Wata Oo Gilgilay Magaalooyinka Waaweyn Ee Dalka Faransiiska.

November 25, 2018

dibad baxyo xoogan ayaa lagasoo sheegayaa magaalooyinka waaweyn ee wadanka Faransiiska, kuwaas oo looga soo horjeedo canshuuro lagu soo rogay gaadiidka dadweynaha iyo sare u kac ku yimid qiimaha lagu iibiyo shidaalka, dibad baxyadaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca tiro dad ah.

Dibad baxyada waxaa dhigaya isbaheysiga loo yaqaana Jaakada casta ee ay ku mideysan yihiin gaadiidleyda wadanka Faransiiska, waxaana kala qeyb qaadana Boqolaal kun oo kamid ah dadka wadankaas, iyagoo dalbanayaan inuu Is casilo madaxweynaha faransiisa Emanuel Macron, oo ay ku eedeeyeen wax qabad la,aan.

Saraakiil katirsan Police-ka ayaa sheegay in ilaa hada laba qof oo kaliya ay geeriyoodeen, in kabadan 50 kalena la dhigay isbitaalada caafimaadka, dadkaas oo intooda badan gaadiid la jiirsiiyey, sababo ku aadan dibad baxayaasha oo soo buux dhaafiyey dariiqyada waaweyn ee magaalooyinka dalka faransiiska.

 

24 qof ayay saraakiisha Police-ku sheegeen in gacanta lagusoo dhigay, kuwaas oo loo badinayo inay hurinayeen dibad baxyada, sidoo kalena ciidanka ka hortaga rabshadaha ayaa looga yeeray qeybo kamid ah magaalada Paris, si ay dibad baxayaasha ukala irdheeyaan, ciidankaas ayayna warbaahintu sheegayaan inay isticmaaleen gaazka dadka ka ilimeysiya si ay u furan mid kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee Paris oo mudaharadayaasha ay xireen.

Wazaarada arimaha gudaha wadanka Faransiiska ayaa ka dhawaajisay in ilaa hada ay ka war hayaan in kabadan 2Kun oo isku Imaatin oo dibad baxyadu ay ka soconayaan, goobahaas oo ay isugu yimaadeen dad ay tiradooda kor u dhaafeyso 124 Kun oo qof, mana jirto cid la ogyahay oo dibad baxyadan gidaal ka taagan sida lagu shegay warka kazoo baxay wasaarada.





Wiil lagu magacaabo Evellin Raaliyeer oo kamid ah dadka dibad baxyada dhigayey ayaa boor weyn kusoo qortay, U gargaara Umadan Halista ku jirta, oo uu ula jeedo dadka reer france, isagoo intaas sii raacisay anaga ayaa ah kuwa shaqeeya 24ka saac mana awoodno inan noloshan kusii jirno, waana in wax laga qabta sare u kaca ku yimid shidaalka, waliba si degdeg ah.

Magaalada Paris ayaa lagusoo waramayaa in illaa 50 goob oo kala duwan ay dibad baxyadu ka soconayaan, dadkuna ay ku dhawaaqay, Macron wuu Fashilmay, Macron Ha Is Casilo.

Nin lagu magacaabo Kevin Do jar oo 27 sano jir ah, xubina ka ah gudiga gaadiidleyda ee soo abaabulay dibad baxyadan ayaa sheegay in dhaqaaqooda uusan aheyn mid siyaasadeen ama ay jago ku doonayaan, kaliyana waxa isku keenay ay tahay cabashada ay qaba dadka shacabka ah ee waayay awoodii ay ku dul qaadan lahaayeen, kadib canshuuraha aan xalaasha aheyn ee lagusoo rogay iyo sare ukaca ku yimid qiimaha lagu iibiyo shidaalka.

Madaxda dalka faransiiska ayaa dibad baxayaasha u diray Handadad ay daba socotay Sasabasho, waziirka arimaha gudaha Edward Philip ayaana yiri, shacabko xaq ayay u leeyihin inay dibad bax dhigaan, balse xukuumadu ma aqbali doonto in wadooyinka la xiro, isku socodki dad weynahana is hor tag lagu sameeyo, oo wadanka fowda loo horseedo.

Dibad baxyadan ayaa imaanaya kadib sanad adag oo madaxweynaha dalka faransiiska uu la kulmayey cadaadisyo xoogan oo ka dhan ah aragtidiisa ku aadan Isbadalka uu la doonayey faransiiska, hadana xog aruurin la sameeyey ayaa lagu ogaaday in taageeradii Madaxweyne Macron ay hoos u dhacday %30, wixii ka danbeeyey dooraashadii 2017ka.


Wargeys laga leeyahay dalka faransiiska oo lagu magacaabo Jerum ayaa ka dhawaajiyey in kacdoonkan uu yahay mid aad u halis badan oo noociisa oo kale uusan wadanka soo marin sanadadii lasoo dhaafay, hadana uu awood u leeyahay inuu ku dhex faafo %40 dadka faransiiska ah iyo qof kasta oo gaari heysto, kaas oo ay saameyn ku yeesheen waxa ay hada dadku ka dibad baxayaan.

Dadka dibad baxyada dhigaya ayaa kasoo horjeestay qorshaha ay dowladdu sare ugu qaadday gaaska lashito iyo shidaalka caadiga ah, haweenayda hoggaamisay Xisbigta midigta Xagjirka ah ayay dowladda Faransiiska ku eedeysay in ay mas’uul ka tahay dibad baxyada rabshadaha wata ee wadanka ka socda

Dadka faransiiska ah ee dabaqada dhexe ayaa si aad ah ugasoo horjeedo siyaasadaha madaxweyne Macron oo kazoo jeeda qoys hantiile ah, dhaqankiisana uu ka gadmi la’yahay dadkakaas iyaga ah, inkastoo madaxweynaha uu sameeyey isku dayo dhowr ah oo aragtidaas uu meesha kaga saarayo balse uu uu ku guuleysan la’yahay ilaa waqtigan la joogo.

Continue Reading

Previous: Dilal Iyo Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.
Next: Faahfaahin Laga Helayo Qarax Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -28-4-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -28-4-1444 Hijri

November 22, 2022
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-4-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-4-1444 Hijri

November 22, 2022
Dagaal U Dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Dhacay Sool.
  • Allposts
  • Warar

Dagaal U Dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Dhacay Sool.

November 22, 2022

Sawirro

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.

November 21, 2022
Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.