Waxaa sii kordhaya khasaaraha maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka kasoo gaartay weerar dhabba gal ah oo saacadihii lasoo dhaafay kolanyo ka tirsan maleeshiyaatkaasi loogu dhigay duleedka degmada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Wararkii ugu dambeeyay ee kamiinka ayaa sheegaya in weerarka dhabba galka ah lagu dilay 13 isugu jirta saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka’iyadoona kamiinkaasi uu ka dhacay halka loo yaqaana Maya-fuulka ee duleedka Baydhabo.
Saraakiisha lagu dilay kamiinka waxaa ku jira taliyihii watay kolanyada maleeshiyaatka dowlada ee kamiinka loo dhigay kaasi oo lagu magacaabi jiray Diinow Mustaf Cabdi raxmaan oo ahaa sarkaal si aad ah looga yaqaana gobalka Baay.
Sidoo kale Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in kamiinkaasi ciidamada Mujaahidiinta ay ku qabsadeen 10 qori oo isugu jira AK47 iyo PKM oo ay wateen maleeshiyaatka Amxaaro kalkaalka ah ee kamiinka loogu dhigay duleedka Baydhabo.
Saaka aroortii ayeey aheed markii ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin dagaal kula wareegeen deegaanka Daynuunaay ee duleedka magaalada Baydhabo.
Calamada.com