Dil Iyo Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho ku dileen mid ka mid ah odayaal ku sheegii wax kasoo dhisay xildhibaanada dowlada Ridada gaar ahaan kuwa lagu soo dhisay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Cali Muxamad Cabdulle, loona yaqaanay “Mad-Ganey” ayey Ragga hubeysan ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay inuu isla goobta ku dhinta.

Dhanka degmada Wadajir ee magaaladan Muqdisho qarax culus ayaa lala beegsaday Mas’uul ka tirsan Maamulka dowlada Ridada ugu magacaaban degmada Wadajir,waxa uu qaraxan si gaar ah kaga dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Gaariga qaraxan lala beegsaday waxaa la socoday Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Ridada ah ee  degmada Wadajir kaasi oo la xaqiijiyay inuu si dirqi ah kaga badbaaday isku day-ga dilka ah ee isaga lala damacsanaay balse waxaa qaraxan ku dhaawacmay tiro ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Mogadishu, Somalia.

Comments are closed.