Wararka ka imaanay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in xaley ciidamada mujaahidiinta ay weeraro qorsheysan oo iqtiyaalaad ah iyo weeraro toos ah ka fuliyeen degmooyin kala duwan oo ka tirsan magaalada sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha Mujaahidiinta.
Mid ka mid ah weeraradaas waxaa lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa maleeshiyaadka Ashahaada la dirirka ee loo yaqaano PS-ta kaas oo rag hubeysan oo ka tirsan Mujaahidiinta ay ku qaarijiyeen degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.
Isla weerar kale oo midkaas la mid ah oo isna ka dhacay xaafada Maana-boolyo ee degmada Boondheere ayaa waxaa lagu khaarijiyey Sarkaal ka tirsan maleeshiyaadka murtadiinta gaar ahaan kuwa isku magacaabay Military-ga.
Saraakiisha Mujaahidiintu waxay noo sheegeen in howlgaladaas ay qeyb ka yihiin weeraro Iqtiyaalaad ah oo maalmihii dambe lagu ugaarsanayey saraakiisha murtadiinta.
Weerar kale oo toos ah ayaaa isna xaley ciidamada Mujaahidiinta Jabhadda WI Banaadir waxay ku qaadeen isbaaro maleeshiyaadka murtadiinta ay ku lahaayeen biyo dageenka Suuqa-Xoolaha, iyadoona halkaas qasaare kala duwan lagu gaarsiiyey cadowga.
Weerarkaas waxaa sidoo kale xigay weerar kale oo isna lagu beegsaday gaari nooca dagaalka ah oo ay wateen Murtadiinta, kaas oo rasaas la huwiyey xilli uu marayey Xaafada Suuqa-xoolaha ee degmada Hiliwaa.
Howlgaladan ayaa qeyb ka ah weerarada joogtada ah ee mujaahidiintu ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho.
Xigasho Radioandalus24.com
Calamada.com
Allaahu akbar