Caawa fiidkii waxaa gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho ka dhacay dilal qorsheysan iyo qarax lala beegsaday saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Dilka kowaad waxaa lala beegsaday sarkaal lagu magacaaba Xuseen Shiino waxa uu dilkiisa ka dhacay Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho.
Sidoo kale labo askari oo lagu kala magacaaba Muxamed Cajiille iyo Maxamuud kana tirsanaay maleeshiyaatka booliska ayaa la dilay’waxa uu dilalkooda ka dhacay xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Hilwaa.
Sidoo kale askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada federaalka waxey rag hubeysan ku toogteen gudaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale tiro askar ah oo ka tirsan maleeshiyaatka Ridada ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax lagula beegsaday goob ay kaga sugnaayeen xaafada Ceel-tusbaxle ee degmada Dayniile.
Dilalka iyo qaraxyada caawa ka dhacay gudaha iyo duleedka Muqdisho waxey kusoo aadayaan xilli maanta ay ku beegneed kowda bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bishii Furashada.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somali.