Diyaarad Mareykanka Kaga Soo Dhacday Sh/hoose Iyo Shabaabul Mujaahidiin Oo Gacanta Ku Dhigay.

Diyaarad nooca wax basaasta ee duuliya la’aanta ah ayaa dowlada Saliibiyadda Mareykanka waxey kaga soo dhacday deegaan ka tirsan gobalka Shabeelada hoose.

Diyaaradan duuliye la’aanta ah waxey dowlada Mareykanka kaga soo dhacday deegaanka Aaybuutey oo ah deegaan hoostaga degmada Owdhiigle ee Wilaayada Shabeelada hoose.

Diyaaradan duuliye la aanta ah ayaa xilligii ay soo dhaceysay waxey ku guda jirtay Howl Basaasnimo ah,diyaaradan waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Diyaaradan ayaa noqoneysa diyaaaradii Saddex-aad oo noocyada Basaaska duuliye la aanta ah oo wax ka yar Toban Maalmood gudahood dowlada Saliibiyadda Mareykanka kaga soo dhacda Konfurta dalka Somaliya.

Calamada.com

Comments are closed.