Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Diyaarad Yahuuda Looga Soo Riday Suuriya Iyo Yahuuda Oo Ka Jawaabay.
  • Allposts
  • Warar

Diyaarad Yahuuda Looga Soo Riday Suuriya Iyo Yahuuda Oo Ka Jawaabay.

February 10, 2018

Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka dowladda iiraan ay dhulka soo dhigeen diyaarad dagaal oo ay leedahay Yahuudda saacado kadib markii ‘israa’iil’ ay ku dhawaaqday in ay soo ridday diyaarad Drone ah oo iiraan leedahay.

Afhayeenka u hadlay Melleteriga waxa loogu yeero dowladda Israa’iil ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in madaafiic kasoo dhacday gudaha wadanka Suuriya ay sababtay soo dhicidda diyaarad F16 ah oo iyagu ay leeyihiin wuxuuna weerarkaas ku eedeeyay in dowladda Iiraan ay Mas’uul ka tahay.

Goob joogayaal ku sugan gobolka Alquneydarah ee Koonfurta Suuriya ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen jugta qaraxyo waaweyn oo ka dhashay duqeymo diyaaradaha Yahuudda ay ugeysteen saldhigyo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka dowladda Iiraan daqiiqado kadibna waxaa lasoo riday Diyaaraddii duqeynta geysatay oo nuuceedu ahaa F16.

Afhayeenka u hadlay Maamulka Yahuudda ayaa dowladda iiraan ku eedeeyay in dagaal ay ka abuurayso mandiqadda Bariga dhexe wuxuuna sheegay in Jawaab kulul ay ka bixi doonaan weerar daan daansi ah oo uu sheegay in dhanka iiraan uu uga yimid.

Dhanka kale Maamulka Sahyuuniyadda Yahuuda ayaa ku dhawaaqay in Jawaab adag uu ka bixiyay diyaarad dagaal oo loogasoo riday xuduud beenaadka ay wadaagaan dhulalka Filasdiin iyo Suuriya.

Afhayeen u hadlay melleteriga Yahuudda ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in diyaarad nuuceedu yahay F16 lagusoo riday mandiqadda Jowlaan kadib markii lagasoo toogtay dhanka Suuriya.

Yahuudda ayaa dowladda Iiraan iyo maamulka Bishaar Al-asad ku eedeysay in ay dhulka soo dhigeen diyaaradda, Avijaa Adraei oo ah Afhayeenka Melleteriga Yahuudda ayaa sheegay in labadii duuliye ee diyaaradda ay baarashuud ku boodeen balse mid kamida uu qabo dhaawac halis ah.

Duqeymo Ba’an oo ay geysanayaan diyaaradaha Yahuuda ayaa lagasoo calaamadeeyay magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya, illaa iyo 12 saldhig oo maleeshiyaadka Iiraan iyo ciidamada Nidaamka Al-asad ay ku lahaayeen dimishiq iyo hareeraheeda ayaa la duqeeyay.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ay arkayeen qiic iyo uura Madoow oo cirka iskus shareeray, guutada koowaad ee ciidamada ilaalada Xarasul Jamhuuriga Bishaar al-asad ayaa la xaqiijiyay in duqeymo ba’an lala eegtay.

Garoonka Melleteri ee T4 oo kuyaal gobolka Homs bartamaha dalka Suuriya ayaa shaqada gabay kadib markii diyaaradaha Yahuudda ay burburiyeen qeybaha aas-aasiga ah ee garoonka.

Dhinaca kale dowladda Shiicada Iiraan oo Jawaab kasoo saartay xiisadda Suuriya ayaa sheegtay in ‘Muqaawamadu’ aysan ogolaan doonin duullaanka cadawtooyo ee Sahyuuniyadda Yahuuda.

Madaxa amniga qaranka Iiraan ayaa uga digay Yahuudda in aan loogu dulqaadan doonin daan daansiga Suuriya islamarkaana Jawaab kulul ay ka bixin doonaan marwalba oo ay duqeyn ka geysato gudaha wadankaasi

Continue Reading

Previous: Faahfaahin Laga Helayo Weerar Muqdisho Ka Dhacay.
Next: Diyaarad Dagaal Oo Afghanistan Lagu Soo Riday.

Related Stories

Akhriso Weeraro Lagu Beegsaday Xarumaha Shisheeye Iyo DF.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Weeraro Lagu Beegsaday Xarumaha Shisheeye Iyo DF.

November 27, 2022
Qarax Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Xamar.
  • Allposts
  • Warar

Qarax Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Xamar.

November 27, 2022
Sacdiya Yaasiin Oo Sheegtay Inay Ansixin Doonto Xeer Gaalnimo Ah.
  • Allposts
  • Warar

Sacdiya Yaasiin Oo Sheegtay Inay Ansixin Doonto Xeer Gaalnimo Ah.

November 27, 2022

Sawirro

Daawo Sawirrada Qaniimada Dagaalkii Labaad Ee Qaayib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Dagaalkii Labaad Ee Qaayib.

November 26, 2022
Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.

November 21, 2022
Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.