Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Diyaarada Duqeeyay Magaalada Darna Ee Bariga Dalka Liibiya.
  • Allposts
  • Warar

Diyaarada Duqeeyay Magaalada Darna Ee Bariga Dalka Liibiya.

calamada April 24, 2016 2 min read
133

Liibiya42158Afar ruux oo rayid ah oo ay ku jiraan laba dumar ah ayaa geeriyootay, tiro kalena way dhaawacmeen, kadib markii diyaarado dagaal oo taabacsan Dagaal oogaha Shareeco la dirirka ah ee Khaliifa Xaftar ay duqeeyeen magaalada Darna ee ku taalla Bariga Dalka Liibiya.

Ilo wareedyo ku sugan magaalada ayaa sheegay in duqeyntu ay abuurtay xaalad argagax leh markii ay dhowr gantaal kusoo dhaceen meel ku dhow guryo ay daggan yihiin dad rayid ah, halkaas oo ay ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wariye ku sugan magaalada Darnah ayaa soo sheegay in duqeyntani aysan aheyn tii ugu horreysay ee diyaaradaha dagaalka ee Khaliifa Xaftar ay magaaladaasi ka fuliyaan, balse tiro dhowr jeer ah ayay diyaaraduhu duqeeyeen magaaladaasi, iyagoona dilay tobonaan ruux oo aan waxba galabsan.

Maleeshiyada Dagaal ooge Khaliifa Xaftar waxay ku sugan yihiin meel qiyaastii 30 km Jihada Koonfureed kaga beegan magaalada Xeebta ku taalla ee Darnah, waxay sidoo kale saldhig ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Martuubah, kaas oo qiyaastii 35 km jihada bari kaga beegan magaalada.

Ciidamada ka amar qaata Khaliifa Xaftar ayaan muddo Sanad ku dhow wax dhaq-dhaqaaq ah ka sameynin furimaha la isku hor fadhiyo ee duleedka magaalada Darnah, waxayna iska caabin adag kala kulmayaan xoogagga Golaha Shuurada Mujaahidiinta ee magaalada Darnah iyo kooxo kale oo kacdoon wadayaal ah oo gudaha magaaladaas ku sugan.

Dagaal oogaha Shareeco la dirirka ah ee Khaliifa Xaftar ayaa taageero xooggan ka helaya Dowladaha reer galbeedka ee Mareykanku ugu horreeyo, isagoona Ciidameeyay Kumanaan Maleeshiyaad ah oo ka haray Maamulkii hore ee Dalka Liibiya ee uu madaxweynaha uu ka ahaa Mucammar Al-Qadaafi, waxaana Maleeshiyadaasi ay dagaallo adag kula jiraan Jamaacaatka Jihaadiga ah ee maamulaya magaalooyin kuyaalla Koonfurta iyo Bariga dalka Liibiya.

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso Warka Duhur Ee Andalus 17-07-1437 Hijri.
Next: Dhageyso Barnaamijka Caalamulyowm Ee Andalus 17-07-1437 Hijri.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

Dhageyso Muxaadaro Difaaca Quraanka Kariimka Iyo Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan.

Dhageyso Muxaadaro Difaaca Quraanka Kariimka Iyo Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan.

August 5, 2022
Dhageyso Muxaadaro Dastuur Gaaleedka Iyo Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan.

Dhageyso Muxaadaro Dastuur Gaaleedka Iyo Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan.

July 22, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022

Sawirro

Daawo Sawirrada: Hubkii Liyuu Booliska looga qabsaday dagaalkii Aato oo lasoo bandhigay.

Daawo Sawirrada: Hubkii Liyuu Booliska looga qabsaday dagaalkii Aato oo lasoo bandhigay.

August 1, 2022
Sawirro+Cod; Dufcadii 4-aad Oo Ka Qalin Jabisay Madarasada Sheekh Abuu Zubeyr Taqabalahullaah.

Sawirro+Cod; Dufcadii 4-aad Oo Ka Qalin Jabisay Madarasada Sheekh Abuu Zubeyr Taqabalahullaah.

July 31, 2022
Sawirrada Weerarka Cag Marinta Ee Deegaanka Caato.

Sawirrada Weerarka Cag Marinta Ee Deegaanka Caato.

July 29, 2022
Sawirro: Dumar Agabyo kala Duwan Ugu Deeqay Ciidamada Mujaahidiinta.

Sawirro: Dumar Agabyo kala Duwan Ugu Deeqay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 27, 2022
Sawirro: Isbitaal Si Carsi Ah Loo Qalabeeyay Oo Laga Furay Degmada Ceeldheer.

Sawirro: Isbitaal Si Carsi Ah Loo Qalabeeyay Oo Laga Furay Degmada Ceeldheer.

July 24, 2022
SAWIRRO: In Ka badan 87 Askari oo Liyuu Police ka Looga Dilay Weeraradii Yeed Iyo Caato

SAWIRRO: In Ka badan 87 Askari oo Liyuu Police ka Looga Dilay Weeraradii Yeed Iyo Caato

July 21, 2022
Sawirro Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan Oo Lagu Aasay Magaalada Bu’aale.

Sawirro Sheekh Nuur Mucalim Cabdi Raxmaan Oo Lagu Aasay Magaalada Bu’aale.

July 13, 2022
Fantasyo Qurux Badan Oo Lagu Qabtay Degmada Jilib [Sawirro].

Fantasyo Qurux Badan Oo Lagu Qabtay Degmada Jilib [Sawirro].

July 12, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.