Diyaaradaha Nuseyriga Bishaar Asad iyo kuwa Kufriga Ruushka ayaa wali duqeyman arxan daro ah ka wada gobala’degmooyin iyo deegaano ka tirsan dalka Suuriya.
Saacadihii lasoo dhaafay waxey diyaaradaha cadowga Allaah ay geysteen duqeyman arxan daro ah oo sababay dhimasho’dhaawaca iyo burbur hantiyadeed oo aad u baaxadweyn.
Diyaaradaha Nuseyriga ayaa duqeeyay gaari Bas ah oo ay la socdeen dad shacab ah oo marayay qeybo ka mid ah degmada Khaan-sheex oo dhacda duleedka dhanka Galbeed ee magaalada Dimishiq.
Duqeyntaan ayaa sababtay dhimashada 6 ruux iyo dhaawaca tiro kale oo gabi ahaantooda ah rakaabkii gaariga’sidoo kale waxaa gabi ahaan burburay gaariga Baska.
Sidoo kale diyaaradaha dowlada Kufriga Ruushka ayaa duqeyman arxandaro ah u geystay kaamka Xandaraat oo ku yaala gobalka Xalab’kaasi oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen tiro dad shacab ah oo qeyb ka ah bulshada ku dhaqan kaamkaasi.
Diyaaradaha Nuseyriga ayaa sidoo kale duqeyman arxan daro ah u geystay Tuulada Badaama oo ka tirsan gobalka Xalab taasi oo sababtay dhimashada 12 ruux iyo dhaawaca tiro kale.
Sidoo kale diyaaradaha Bishaar Asad waxey saacadihii lasoo dhafay duqeyman culus u geysteen xaafada Al-wacar oo ka tirsan magaalada Ximis taasi oo sababtay dhimashada 2 ruux iyo dhaawaca 11 ruux.
Calamada.com