Inkabadan 70 ruux oo ayaa geeriyootay, tiro intaas kabadanna way dhaawacmeen kadib markii diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Saliibiyada ee Ruushka ay duqeymo wuxuushnimo ah ka geysteen magaalada Al-Quuriyah ee Gobolka Deyru-zuur ee bariga Wadanka Suuriya.
Dad goob joogayaal ayaa sheegay in diyaaradaha Ruushku ay si aan kala sooc laheyn u duqeeyeen Masaajidyo, Suuqyo ganacsi iyo xaafadaha ay dagan yihiin dadka rayidka ah ee kuyaalla magaaladaasi, iyadoona duqeynta ay u adeegsadeen gantaalaha mamnuuca ah ee loo yaqaano Cluster Bomb.
Kooxaha gurmadka iyo qaar ka tirsan dadweynaha ku nool magaalada ayaa isku dayay inay u gurmadaan goobaha ay duqeymuhu ka dhaceen, si ay usoo daabulaan dhaawacyada, balse diyaaradaha Ruushka ayaa markale soo rogaal celiyay, waxayna halkaasi ka geysteen duqeyn kale oo ka khasaare badan tii markii hore dhacday.
Duqeymaha is daba joogga ah ee Saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Al-Quuriyah ayaa waxay sidoo kale sababeen bur-bur xooggan oo soo gaaray guryaha iyo goobaha ganacsiga, iyadoona magaaladaas ay ku yaallaan Suuqyo ganacsi oo muhiim ah oo ay usoo dukaameysi tagaan dadka ku nool baadiyaha bari ee gobolka Deyru-zuur.
Magaalada Al-Quuriyah waxay ku taalaa meel bariga 70 kiilo mitir kaga beegan webiga Al-Furaat, waxaana ku nool inkabadan 70 kun oo ruux, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin kumanaan qoysas ah oo kasoo barakacay duqeymaha iyo dagaallada ka soconaya qeybo ka tirsan gobolka Deyru-zuur ee bariga dalka Suuriya.