Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Saliibiyada ee Mareykanka ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay duqeymo hor leh ka geysteen Gobolka Idlib ee Waqooyiga dalka Suuriya, dhowr maalmoo kadib markii duqeyn gobolkaas ka dhacday lagu dilay Sheykh Abuu Farraas As-Suuri oo ka tirsan hoggaanka Mujaahidiinta Jabhatu Nusrah.
Afhayeen u hadlay Pentagonka waxa uu sheegay in mid ka mid ah duqeymahaasi lala bartilmaa-meedsaday gaari ay la socdeen dagaalyahanno ka tirsan Jabhatu Nusrah, isagoona tilmaamay inay wadaan uruurinta Macluumaadka la xiriira duqeyntaasi, si loo ogaado khasaaraha ka dhashay.
Dowladda Nasaarada ee Mareykanka ayaa horey Liiska waxa loogu yeero Argagixisada ku dartay Jamaacada Jihaadiga ah ee Jabhatu Nusrah, iyadoona diyaaradaha duuliye la’aanta ee Xukuumadda Washintong ay dhowr jeer Dalka Suuriya ka fuliyeen weerarro xagga Cirka ah oo ay ku beegsadeen Saraakiil iyo hogaamiyaal ka tirsan Jaamacadaasi.