Donald Trump Oo U Hanjabay Soomaalida Ku Dhaqan Mareykanka.

iyadoo maalmo kooban ka harsanyihiin doorashooyinka madaxtinimada Mareykanka ayuu Donald Trump hanjabaad u jeediyay jaaliyadda soomaalida Mareykanka gaar ahaan Soomaalida ku nool gobolka Minnesota.

Trump ayaa Soomaalida ku tilmaamay kuwa halis ku ah amniga Mareykanka islamarkaana geysan kara wax uu ugu yeeray weeraro Argagaxiso.

isagoo kumanaan kamid ah taageerayaashiisa kula hadlayay isku imaatin doorasho ayuu yiri “Soomaalida Minnesota waxay musiibo ku yihiin dalka Mareykanka”.

Trump ayaa ballan qaaday in haddii  madaxtinimada Mareykanka ku guulaysto uu tallaab adag ka qaadi doono dadka soomaalida oo uu ku sheegay kuwa aaqoon badan aan laheyn islamarkaana halis ku ah danaha Mareykanka.

“Soonaalidu waxa ay la shaqeeyaan kooxda Daacish , ma ahan dadka Aqoon leh ama xirfad leh waa kuwa iska yimid  halkaani waa dad qaxooti ah oo musiibo ku ah dad Mareykanka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Donald Trump.

Hoggaamiyaal katirsan jaaliyadaha soomaalida Mareykanka ayaa sheegay in warka kasoo yeeray musharaxa xisbiga Jamhuuriga uu yimid kadib markii uu ogaaday in soomaalida Mareykanka ay doorashada soo socota u codeyn doonaan dhanka xisbiga Dimuquraadiga ee Clinton madaxda ka tahay.

Tobanaan katirsan dhalinyarada soomaali Mareykanka ayaa 8-dii sanadood ee lasoo dhaafay usoo haajirayay dalka Soomaaliya waxayna ku biireen xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Hay’adda amniga gudaha Mareykanka FBI ayaa la rumeysanyahay in tacadiyo kala duwan ay kula kacday soomaalida Mareykanka qaarkood kuwaas oo ay ku eedaysay in ay ku lug leeyihiin waxa loogu yeero Argagaxisada.

Comments are closed.