Warbaahinta Dalka Iiraan ayaa sheegtay in laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Kacaanka ee dalkaasi lagu dilay dagaallo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacayay qeybo ka tirsan Dalka Suuriya.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in Muxamed Xuseen Khaafiri iyo Qurbaan Mustafa Caarifi inay dhinteen xilli ay ka qeyb qaadanayeen dagaallo dhex maray Ciidamada Bashaar Al-Asad iyo xoogagga Kacdoon wadayaasha ee Wadanka Suuriya, inkastoo ilo wareedyadaasi aysan sheegin goobta rasmiga ah ee Askartaasi lagu dilay.
Shaacinta dhimashada labadan Akari ee Iiraaniyiinta ah waxay tirada Askarta Dowladda Iiraan ka socda ee lagu dilay Dalka Suuriya tan iyo bishii October ee Sannadkii hore ka dhigeysaa 244 Askari, kuwaas oo badankood ku dhintay dagaallo ka dhacay Waqooyiga dalkaasi.
Laba todobaad ka hor waxay Xukuumadda Tahran xaqiijisay in Dalka Suuriya lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamada ilaalada Kacaanka ee Dowladda Shiicada ee Iiraan, iyadoona dilka Sarkaalkas uu kusoo beegmay maalin kadib markii Xukuumaddu ay sheegtay in Dalka Suuriya ay u dirtay Cutubyo ka tirsan Guutada 65-aad ee Ciidamada qalabka sida ee dalkaasi.