Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Dowlada Itoobiya Oo Amar Adag Dul Dhigtay Shacabka Magaalada Jigjiga.
  • Allposts
  • Warar

Dowlada Itoobiya Oo Amar Adag Dul Dhigtay Shacabka Magaalada Jigjiga.

August 11, 2018

Wararka ka imaanaya magaalada Jig jiga oo ka mid ah dhulka Somali Galbeed ee ay xooga ku heysatO dowlada Xabashida Itoobiya ayaa sheegaya in wali gudaha magaaladaasi ay ka socdaan dhibaatooyinka iyo xasuuqa ay geysanayaan ciidamada Itoobiya ee dhawaan lagu soo daabulay gudaha magaaladaasi

Maydad tobanaan ah ayaa laga helay qaybo badan oo ka mid ah xaafada magaaladaasi, kuwaas oo qaarkood la sheegay in ay madaxyada ka go’naayeen.

Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Jigjiga ayaa bilaabay in ay iska cararaan magaalada si ay uga baxsadaan gumaadka Xabashidu halkaas ka gaysanayso

Balse saraakiisha Milatariga Itoobiya ee xoogga ku haysta magaaladaasi ay amar ku siiyay dadka Somalida ah e ineysan ka bixi Karin magaaladaasi, iyadoona dhanka kale dadka aan Somalida ahayn kaliya loo ogolaanayo in ay magaalada ka baxaan.

Arintaan ayaa lagu tilmaamay mid markale dowlada Xabashida Itoobiya ay ku dooneyso in ku xasuuqda shacabka ku dhaqan magaalada Jigjiga, xilli ay sii kordhayaan tirada maydadka dadka Soomaalida ah ee laga hellayo magaalada kuwaas oo ay dileen ciidamada Itoobiya

Inta ilaa hada la xaqiijiyay tiro ka badan 50 qofood oo maydad ah ayaa ilaa hada laga helay gudaha Magaalada Jigjiga, waxaa la sheegayaa in dad badan weli la la’yahay.

Arintaan ayaa ka dambaysay kadib markii ciidamada Itoobiya ay magaalada xoog kaga qabsadeen maamulkii Cabdi Ileey ee iyagu Soomaali-Galbeed u magacaabeen kadib khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay Cabdi Ileey iyo Abey Axmad

Dhanka kale maleeshiyaatka Liyuu Boolis ayaa dhaawacay gudoomiye ku xigeen maamulka Ridada ee degmada Tog-wajaale Sidoo kalane ahaa Maareeyaha maamulka ee degmada, kaas oo lagu magacaabo Axmed Khadar Cabdi. waxaana wararku ay sheegayaan in dhaawiciisa culus yahay islamarkaana maleeshiyaatka Liyuu Boolisku ay rasaasta madaxa kaga dhufteen.

Maleeshiyaatka Murtadiinta ah ee dhaawacay sarkaalkaas murtadka ah ayaa doonayay iney booobaan oo ay xoog ku qaataan gaadiid uu lahaa maamulkii Murtad Cabdi Ileey balse gudoomiye ku xigeenka ayaa isku dayay inuu ka hor istaaga ugu dambeyntiiina isaga ay goobta ku dhaawaceen.

Maleeshiyaatka Ashahaado la diriirka Liyuu Booliska ayaa tan iyo markii maalmo ka hor dowlada Xabashida Itoobiya xilkii madaxweyna nimada ka tuurtay Murtad Cabdi Ileey waxey iyaguna dhankooda bilaabeen ineybililiqaystaan oo ay la baxsadaan gaadiidka iyo agabyo kale oo uu lahaa maamulka Ina Ileey.

Maleeshiyaatka Liyuu Boolis ayaa ahaa maleeshiyaat si gaar ah u hoostegi jiray Maamulka Cabdi Ileey, waxaana tan iyo markii ciidamada Itoobiya ee laga soo diray Adis abab ay qabsadeen Jigjiga, Cabdi Ileeyna ay xabsiga u taxaabeen ay maleeshiyaatkaasi bilaabeen in ay kala yaacaan, isla markaana ay horey usii qaataan wax walba oo uu maamulkaasi lahaa oo ay arkaan.

Xaalada dhulka Soomaali-Galbeed ayaa marba marka kasii dambaysa waxaa ay tahay mid kasii daraysa, waxaana cabsiga ugu weyn ee hada ka taagan dhulkaasi ay tahay in ciidamada Itoobiya ay halkaas ka gaystaan gumaad ka dhan ah dadka Soomaalida oo horeyna ula ildarnaa sanado badan oo uu xasuuq ku yahay maamulka Cabdi Ileey ee xabashida u adeegayay balse markii dambe ay isku dheceen.

Continue Reading

Previous: Ciidamada Mareykanka Iyo Bangarafta Oo Dad Shacab Ah Ku Dilay Shabeelada Hoose.
Next: Madaafiic Lagu Garaacay Saldhiga Shisheeyaha Ee Qoryooley.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-4-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-4-1444 Hijri

November 22, 2022
Dagaal U Dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Dhacay Sool.
  • Allposts
  • Warar

Dagaal U Dhaxeeya Somaliland Iyo Puntland Oo Ka Dhacay Sool.

November 22, 2022
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -28-4-1444-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -28-4-1444-Hijri

November 22, 2022

Sawirro

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.

November 21, 2022
Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.