Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay digniin ku socota Muwaadiniinta Ameerikaanka ah ee ku sugan Dalka Turkiga, kadib markii la helay macluumaadyo dhinaca Sirdoonka ah oo sheegaya inay weerarro ka dhici karaan dalkaasi.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in xogo dhanka Wardoonka ah oo la helay ay tilmaamayaan in kooxo hubeysan ay qorsheynayaan inay weerarro ku qaadaan goobaha ay u dalxiiska tagaan dadka reer galbeedka ah ee kuyaalla magaalooyin ka tirsan dalka Turkiga.
Safaaradda Xukuumadda Washintong ay ku leedahay magaalada Ankara ayaa dhankeeda soo saartay digniin taas la mid ah, waxayna ugu baaqday Muwaadiniinta Mareykanka ah ee dalkaasi ku sugan inay muujiyaan taxadar dheeraad ah, islamarkaana ay yareeraan Safarrada dhinaca dhulka ah ee ay galayaan.
Magaalada Ankara iyo dhowr magaalo oo kale oo ka tirsan dalka Turkiga waxaa Sanadka aan ku jirno ka dhacay illaa Afar qarax oo ay ku dhinteen dad aad u fara badan, kuwaas oo qaarkood ay ahaayeen dalxiisayaal reer galbeed ah.
Bartamihii Bishii January ee aan soo dhaafnay ayaa qarax ka dhacay Mandiqadda loo dalxiis tago ee Suldhaan Axmed ee magaalada Istanbul ayaa waxaa ku dhintay inkabadan 10 ruux oo kasoo jeeda dalka Jarmalka, iyadoona Turkigu uu mas’uuliyadda qaraxaasi dusha kaga tuuray qaar ka tirsan Xoogagga ka dagaallama dalka Suuriya.
Sidoo kale Qarax sababay khasaare nafeed oo ballaaran ayaa Bishii October ee Sannadkii aan soo dhaafnay waxa uu ka dhacay isla magaalada Istanbuul , waxaana qaraxaasi oo ay ku nafwaayeen inkabadan 100 ruux mas;uuliyaddiisa sheegtay Kooxda lagu magacaabo Xizbiga Shaqaalaha Kurdistaan ee Calmaaniyiinta ah.