Wararka ka imaanaya Suuriya ayaa sheegaya in xoogaga kacdoonka wadankaasi ay soo rideen diyaarad dagaal oo dowladda Ruushka leedahay xilli ay dul heehaabaysay magaalada Saraaqib ee Gobolka Idlib.
Wasaaradda Difaaca xukuumadda Russia ayaa xaqiijisay in diyaarad nuuceedu ahaa helicopter loogasoo riday wadanka Suuriya waxaana diyaaradda ku dhintay 5 askari oo sedax kamida ay ahaayeen saraakiil ciidan.
Goob Joogayaal ayaa sheegay in gantaal dhulka laga riday uu diyaaradda haleelay, ragga firfircoon ee soo tabiya dagaalka Suuriya ayaa baahiyay muuqaalka diyaaradda oo gubanaysa iyo meydadka ciidanka Ruushka oo hareer daadsan.
Taliska ciidanka Ruushka ee Suuriya ayaa sheegay in diyaaraddu ay ka kicitintay saldhigga Xumeymiin ee gobolka Al-llaadiqiyah galbeedka Suuriya kunasii jeeday magaalada Xalab oo dagaallo culus ka socdaan.
Waa diyaaraddii 5-aad oo Ruushka loogasoo rido Suuriya halka dhimashada askartiisu ay gaartay 19 askar iyo saraakiil ah.
Dhinaca kale magaalada Xalab waxaa kasii socda dagaallo culus oo ay qaadeen xoogaga mujaahidiinta Jeyshul Fatxi iyo kacdoon wadayaasha Suuriya.
Bayaan kasoo baxay Mujaahidiinta Axraaru shaam ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay qabsadeen degmo istiraatiiji ah oo ku dhaw magaalada Xalab.
Wariyaasha ayaa soo sheegaya in horumarro ballaaran laga gaaray xamlada loogu magac daray “Malxamadda weyn ee Xalabâ€.
Wararka qaar ayaa sheegaya in xoogaga islaamiga ah ay dib usoo ceshteen mandiqadda istiraatiijiga ah ee Al-mallaax waxayna isku dayayaan in ay hareeraynta ka qaataan Boqolaal kun shacab ah oo ku go’doonsan xaafadaha dhaca bariga magaalada Xalab.