Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda daba dhilifka ee Sacuudiga Caadil Al-Jubeyr ayaa sheegay in hadafka koowaad ee howl-galka ay u joogaan dalka Yemen inuusan aheyn la dagaalanka Xuuthiyiinta, isagoona sheegay in suuragal ay tahay in kooxdaas wadahadallo lala galo, balse wuxuu tilmaamay in muhiimadooda ugu weyn ay tahay soo afjaridda waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisada oo uu ula jeedo Mujaahidiinta Ansaaru Shariicah.
Isagoo wareysi siinayay Wargeyska Le Figaro ee kasoo baxa dalka Faransiiska waxa uu yiri Al-Jubeyr : “Ururka Al-Qaacidda iyo kooxaha la midka ah waa kuwa Argagixisada ah, balse Xuuthiyiintu waxay deris la yihiin boqortooyada Sacuudiga, waxayna aqbalayaan in wadahadallo lala yeesho, si loo gorfeeyo Mushkiladaha taagan.
Wasiirku waxa uu rajo ka muujiyay kulamada is daba joogga ah ee ka soconaya Dalka Kuweyt ee u dhaxeeya Xuuthiyiinta iyo Xukuumadda daba dhilifka ah ee Wadanka Yemen.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga waxa uu xusay inay jiraan horumarro laga sameeyay shirarka ka soconaya Wadanka Kuweyt, balse waxa uu qeexay inay weli jiraan arrimo la isku mari la’yahay, wuxuuna hadalkiisa intaas kusii daray inuu quud dareynayo in ugu dambeyntii labada dhinac ay gaaraan xal siyaasadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka ka socda Dalka Yemen.
Warbixinta lagu qoray Wargeyska Le Figaro ayaa waxaa lagu sheegay in hadalka kasoo yeeray Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga uu tilmaan cad ka bixinayo isbadalka ku yimid hadafkii Xukuumadda Riyaad ee ku aadanaa duullaankii ay Sanad ka hor ku qaadday dalkaasi, waxaana Sacuudiga iyo dowladaha kale ee Carabta uu hadafka duullaankoodu ahaa in Kooxaha Xuuthiyiinta laga saaro magaalada Sancaa.
Wargeysku waxa uu carrabaay in isbadalkaasi si kedis ah la dareemay labadii todobaad ee aan soo dhaafnay kadib markii diyaaradaha dagaalka ee Dowladaha Carabta ee Sacuudiguna uu hoggaaminayo ay weerarro ku qaadeen magaalooyin ay maamulayeen Mujaahidiinta Al-Qaacidda, waxaana Wargeysku uu tallaabtaas ku tilmaamay mid lagu ajiibayay cadaadisyo sii kordhayay oo Mareykanku uu saarayay Dowladaha Carabta, iyadoona Xukuumadda Washintong ay dooneysay in Mujaahidiinta Al-Qaacidda Jaziiratul Carab laga saaro magaalada Al-Mukalla iyo magaalooyinka kale ee kuyaalla Koonfurta iyo bariga dalkaasi.