Skip to content

Calamada.com

Xarunta Xaqa iyo Xaqiiqda

Primary Menu
  • Home
  • Warbixinno
  • Dhageysiga
  • Muxaadaro
  • Sawirro
  • Duruus
  • Maqal & Muuqaal
Live
  • Home
  • Allposts
  • Dowlada Uganda Oo Ka Hadashay Askarigii Yugandheyska Ee Shabaabul Mujaahidiin Ay Toogteen.
  • Allposts
  • Warar

Dowlada Uganda Oo Ka Hadashay Askarigii Yugandheyska Ee Shabaabul Mujaahidiin Ay Toogteen.

calamada January 22, 2017 2 min read
68

vlcsnap-2017-01-18-10h03m13s31Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay aqoonsatay Askari Yugaandhees ah oo todobaadkii la soo dhaafay ay Khaarijisay Xarakada Al-Shabaab, kaas oo muddo ka badan hal sano ku jiray Jeelka Mujaahidiinta, dowladiisana ay ku guuldareysatay in ay ka shaqeyso sidii uu xuriyadiisa ku heli lahaa.
Wargeyska lagu magacaabo Daily Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa sheegay in taliska ciidanka UPDF-ta Uganda uu u aqoonsaday askariga la toogtay, uuna ahaa maxbuus dagaal ah oo ku dhacay gacanta Al-Shabaab intii lagu gudajiray weerarkii bishii September sanadkii 2015-ka lagu qaaday xeradii ciidamada Uganda ee degmada Jannaale.

 Masassa oo ah askariga la toogtay ayaa dowlada Uganda waxay sheegtay in uu ka soo jeedo magaalada yiraahdo Busia ee dhacda bariga dalka Uganda, waxayna sheegeen in uu ka mid ahaa ciidamadooda ka howlgalayey gudaha Soomaaliya ee ka tirsan isbaheysiga Afrikaanta.

 

Afhayeenka waqtigiisa dhamaaday ee ciidamada Uganda, ninka la yiraahdo Paddy Ankunda ayaa sheegay in ay arkeen muuqaalka ay baahisay mu’asasada Al-kataa’ib ee lagu soo bandhigay qaabka loo toogtay askarigooda, iyo fariinta uu soo gudbiyey intaba, wuxuuna sheegay in ay jawaab ka bixin doonaan falkaas balse ma uusan carab baabin waxa ay noqon doonto jawaabtaas iyo haddii uu yahay midka afka uun ku kooban.
“Waan daawanay video-ga Al-Shabaab, wuxuuna ahaa fal aanan marnaba la aqbali Karin” ayuu yiri Paddy Ankunda, Afhayeenka ciidamada UPDF-ta Uganda, Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Xarakada Al-Shabaab ay jabisay xeerka caalamiga ah, ayna si bareer ah u toogatay maxaabiis dagaal.
Xeerka caalamiga ah ee uu sheegayo Ankunda, wuxuu kala jeedaa heshiis lagu saxiixay shirkii Geneva sanadkii 1949-kii, kaas oo farayey in maxaabiista dagaalka ee la kala qabto si wanaagsan loola dhaqmo, lana toogan balse wuxuu ilaaway in Xarakada Al Shabab ay qodobkaan ka horba ay mar hore daaqadda ka tuurtay xeerarka caalamiga ah, ayna ku dhaqaaqayaan talaaba kasta oo diintooda ay u jideysay.
Dowlada Uganda kama hadlin sababta ay isaga dhaga tirtay fariimihii horay uu u soo diray maxbuuskan ka hor inta aanan la toogan, Iyadoo la og yahay in laba mar oo kala duwan uu madaxdiisa iyo dowladiisa ka dalbaday sidii uu xuriyadiisa ku heli lahaa.
Fariintii ugu dambeysay ee uu jeediyey ka hor inta aanan la toogan wuxuu Masassa kula hadlay ciidamada UPDF-ta ee uu ku safka ahaa, gaar ahaan kuwa hadda u soo hanqal taagaya in ay yimaadaan Soomaaliya, Wuxuuna u sheegay in halkaan uu kaga soo horeeyo wax ka duwan waxa ay soo raadinayaan.

Xigasho Somalimemo.net

Calamada.com

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Faahfaahino Laga Helayo Qarax Ka Dhacay Magaalada Jigjiga.
Next: Weerar Ka Dhacay Deegaan Ka Tirsan Gobalka Shabeelada Hoose.

Toos u dhagayso Idaacadda

Toos udhageyso Radio Andalus

DURUUS

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 26-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 29, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 25-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 28, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 24-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 27, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 23-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 26, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 22-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022
DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

DHAGEYSO: Dersiga 21-aad Ee Xalaqaatka “Masaa’il ku saabsan Sowmka” Ka Faa’iidaysi wacan.

April 25, 2022

Sawirro

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

Sawirrada Sida Looga Ciiday BuuloFulaay.

May 6, 2022
Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

Degmada Jilib oo Ciiddan Mahrajaan Cajiib ah Lagu Soo Bandhigay [SAWIRO]

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

Sawirro Fantasiyo Lagu Sa Gootinayo Ciida Oo Ka Dhacday Degmooyinka Ceelbuur Iyo Xiindheere.

May 5, 2022
Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

Sawirro Fantasiyaha Ciida Iyo Degmada Tiyeeglow.

May 4, 2022
DAAWO Sida Cagta Loo Mariyey Xeradii Ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf Iyo Meydad Daadsan Saldhigga [SAWIRO]

DAAWO Sida Cagta Loo Mariyey Xeradii Ciidanka ATMIS ee Ceel-Baraf Iyo Meydad Daadsan Saldhigga [SAWIRO]

May 3, 2022
Daawo Sawirro hordhac ah khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkii Ceelbaraf.

Daawo Sawirro hordhac ah khasaaraha ciidamada Burundi lagu gaarsiiyay dagaalkii Ceelbaraf.

May 3, 2022
Sawirrada Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib.

Sawirrada Sida Looga Ciiday Magaalada Jilib.

May 2, 2022
Sawirrada Ciidul Fidri Iyo Deegaanka Kuunyo Barow.

Sawirrada Ciidul Fidri Iyo Deegaanka Kuunyo Barow.

May 2, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.