Dowladaha Isbaheysiga Carabta Oo Dib U Bilaabay Duqeymaha Ka Dhanka Ah Xuuthiyiinta.

saraakiil XuuthiyiinDiyaaradaha Dagaalka ee Isbaheysiga Dowladaha Dhawaaghiidda Carabta ayaa dib u billaabay duqeymihii ka dhanka ahaa Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta, maalin kadib markii Afhayeenka Isbaheysiga uu magaalada Riyaad kaga dhawaaqay inuu bur buray heshiiskii xabad joojinta ahaa ee lagu dhawaaqay laba todobaad ka hor.

Waabarigii hore ee Saakay, waxay diyaaradaha dagaalku duqeeyeen saldhigga Ciidamada Cirka ee Al-Deylami, Xarun Meliteri oo ku taalla degmada Hamadaan ee Waqooyiga magaalada Sancaa, iyo saldhigyo kale oo kuyaalla deegaanada Jabalul Ceybaan ee galbeedka Caasimadda.

Sidoo kale waxay wararku sheegayaan inay duqeymo ka dhaceen Mucaskaraatka Riima iyo Al-Manaar ee dhaca galbeedka magaalada Sancaa, iyadoona la maqlayay dhawaqa gantaalo culus oo diyaaradaha Isbaheysiga Dowladaha Carbeed ay halkas ku garaacayeen.

Duqeymahani waxay imaanayaan xilli maalintii shalay Afhayeenka Ciidamada Isbaheysiga Dowladaha Carabta ee howl-gallada ka wada dalka Yemen Korneyl Axmed Al-Casiiri uu kaga dhawaaqay magaalada Riyaad ee xarunta dalka Sacuudiga inuu bur buray heshiiskii xabad joojinta ahaa, isagoona dhanka Xuuthiyiinta ku eedeeyay in mudadii xabad joojintu ay socotay ay toboneeyo gantaal kusoo tuureen deegaanada kuyaalla xad beenaadka ay wadaagaan dalalka Sacuudiga iyo Yemen.

Dhinaca kalena 24 ka tirsan Maleeshiyada Shiicada ah ee Xuuthiyiinta ayaa ku dhintay dagaallo culus oo ka dhcay magaalada Ticiz ee Koonfurta dalka Yemen, waxaana dagaalkaas uu qarxay markii xoogagga Muqaawamada Shacabka ay ka hor tageen weerar ay Xuuthiyiintu soo qaadeen oo ay ku doonayeen inay ku qabsadeen qeybo ka tirsan magaaladaasi.

Calamada.com

Comments are closed.