Dowladaha Yemen Iyo Mareykan Oo Iska Kaashanayo La Dagaalanka Mujaahidiinta Al-qaacidah.

Abyan YemenWar rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda Dabadhilifka Yemen ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay kala shaqeyn doonaan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada oo loola jeedo la dagaallanka Mujaahidiinta.

Safaaradda Yemen ee magaalada Washington ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in ay dhanka sirdoonka kala shaqeynayso dowladda Mareykanka si loo beegsado mujaahidiinta alqaacidda ee dhulka Jaziiradda carabta.

Afhayeen u hadlay aqalka cad ee Mareykanka ayaa isna sheegay in isku xir dhanka wardoonka ah ay la leeyihiin xukuumadda Fadhigeedu yahay magaalada Cadan ee wadanka Yemen ayna is dhaafsadaan macluumaadka ku aaddan duqeymaha ay diyaaradaha Drone-ka ku beegsadaan saraakiisha mujaahidiinta.

Mas’uul katirsan xukuumadda Yemen ayaa laba maalmood ka hor wargeyska New York Times u sheegay in ay joojiyeen wadashaqeyntii ay Mareykanka kala lahaayeen ladagaalanka Alqaacidda sababa la xiriira xasuuqii dhawaan ka dhacay gobolka Albeydaa halkaas oo lagu dilay in kabadan 50 qof oo ubadan carruur iyo Haween.

Kala hadalka xukuumadda dabadhilifadda Yemen ee ku aaddan ka qeyb qaadashada Xamlada saliibiga ah ayaa yimid kadib markii ciidamo Mareykan ah lagu laayay dagaal ka dhacay degmada Yakla ee gobolka albeydaa bartamaha wadanka Yemen.

Warbixino horay loo aruuriyay ayaa sheegayay in xasuuqa Mareykanku uu ka wado Yemen aysan waxba ka ogeyn dowladda Yemen oo Mareykanku si iskiis ah uu ufuliyo.

Dagaalyahanada Alqaacidda ayaa isbuucii lasoo dhaafay ku hanjabay in Mareykanka ay kaga aargudan doonaan dadkii uu ku laayay mandiqadda Yakla.

Comments are closed.