
Wasiirka Garsoorka ee Dowladda Bangladesh ninka lagu magacaabo Aniis Al-Xaq ayaa sheegay in Mudhiicu Raxmaan oo 73 jir ahaa in xukunkaasi lagu fuliyay saqdii dhexe ee habeenkii xalay, iyadoona lagu dal dalay gudaha Xabsiga weyn ee magaalada Daka ee Caasimadda dalkaasi.
Hogaamiyaha Jamaacada islaamiga ah ee Dalka Bangladesh oo sidoo kale soo noqday Wasiir iyo Xubin ka tirsan Baarlamaanka Dowladda waxaa xukunka dilka ah lagu riday todobaadkii hore, kadib markii Maxkamadda sare ee dalkaasi ay ku heshay eedo la xiriira inuu gacan siiyay Ciidamada Meliteriga Pakistan, islamarkaana uu geystay waxa loogu yeeray Xasuuq wadareedyo xilligii uu socday dagaalkii dhacay 1971-kii, xiligaas oo Dowladda Bangladesh ay dooneysay inay ka go’do Wadanka Pakistan.
Dowladda Wadanka Bangladesh ayaa horey xukunno isugu jira dil iyo xarig waxay ugu diray hogaamiye-yaal iyo xubno ka tirsanaa Jamaacada islaamiga ah ee dalkaasi, waxaana ugu dambeeyay ku xigeenkii Jamaacadaasi Cabdul-qaadir Mulla , kaas oo dabayaaqadii sanadkii hore lagu fuliyay xukun dal dalaad ah.