Dowladda Mareykanka Oo Xirtay Saldhig Ay Ka Duuli Jireen Diyaarada Drone-ka Ee Duqeymaha Ka Fuliya Soomaaliya.

MareykanSafaaradda Dowladda Mareykanka ee wadanka Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in Mareykanku ay xireen saldhig cirka ah oo melleteriga mareykanka ay ku lahaayeen gudaha Itoobiya.

Afhayeen u hadlay Mareykanka oo lagu magacaabo David Kennedy ayaa sheegay in la xiray saldhig dhanka cirka ah oo ay ka haadi jireen diyaaradaha duuliyaha laheyn ee Drone-ka kuwaasi oo duqeymo ka dhan ah shabaabul Mujaahidiin ka fulin jiray soomaaliya.

Dowladda Mareykanka xiritaanka saldhigga cirka ku macnaysay mid gabay muhiimaddii loo dhisay sanaddii 2011 oo aheyd in ay ciidamada AMISOM ka kaalmeeyaan dagaalka ka dhanka ah muslimiinta soomaaliya.

 Shabakadda Alhurrah ee Afka dowladda Mareykanka ku hadasha waxay sheegtay in saldhiggan melleteri oo dhaca Koonfurta magaalada Addis Ababa ay ka duuli jireen diyaaradaha Drone-ka kuwaasi oo dhowr mar duqeyno ka geystay Koonfurta dalka soomaaliya.

Waa markii ugu horraysay oo dowladda Mareykanka ay qirto in saldhig melleteri oo laga maamulo dagaalka ka dhanka ah shabaabul Mujaahidiin ay ka dhistay Itoobiya.

Comments are closed.