Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Erdogaan ayaa si lama filaan ah shaqada uga Eryay guddoomiyihii Bankiga dhexe ee wadankaas xilli culeysyo dhaqaale uu wajahayo Turkiga.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Erdogaan ayaa lagu sheegay in shaqada la eryay Murad Chitin Qaya oo kamid ahaa qoyska talada haya waxaana lagu bedelay siyaasi dhaqaalayahan ah oo katirsan isla xisbiga Erdogaan.
Bankiga dhexe ee Turkiga ayaa tan iyo sanaddii 2018 ku mashquulsanaa xal u helidda lacagta maxalliga Liiraha oo hoos udhac ballaaran lakulantay marka lagu sarrifayo lacagta dollarka Mareykanka.
Dhinaca kale wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sheegtay in isbuuca soo socda ay dowladda Ruushka kalasoo wareegi doonto sawaariikhda difaaca cirka ee S400, tallaabadan ayaa soo gaba gabaynaysa rajadii uu Mareykanku ka qabay in Turkigu ka laabto heshiiskii dhanka sawaariikhda ee Ruushka kala dhexeeyay.