Weerarkii aroornimo ee saaka ciidamada mujaahidiinta ay ku qaadeen saldhiga ciidamada xabashida Itoobiya ee degmada Halgan ayaa sii fiday ka dib markii ciidamadii xabashida Itoobiya ee lagu jabiyey dagaalka ay u firxadeen dhulka howdka ah ee ku teedsan magaalada.
Warar hordhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya in tobaneeyo askari oo ka tirsan ciidamada xabashida Itoobiya lagu dilay dagaalka kuwaas oo qaarkood baqtiyadooda laga cararay, Waxaana weli soconaya dagaal culus oo mujaahidiintu ay ku baacsanayaan firxadka cadowga.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiinta ayaa weerar ku qaaday degmada Buula-burde oo ay ku sugan yihiin ciidamada dabadhilifyada Djibouti si halkaas uusan kaga soo bixin gurmad ku soo wajahan dhanka degmada Halgan.
Saraakiisha Mujaahidiinta ayaa noo sheegay in weerarkaas lagu hor istaagayey gurmad ciidamada Djibouti ay doonayeen in ay u soo diraan goobaha ay dagaaladu ka socdaan.
Qasaare culus ayaa jira oo soo gaaray ciidamada xabashida Itoobiya intii lagu gudajiray dagaalka, waxaana qasaaraha culus uu ka dhashay camaliyad istish-haadi ah oo ka dhacday bartanka saldhigga cadowga.
La Soco Faafaahinada ku soo kordha dagaalkaas.
اللهم يا الله يا ØÙŠ ÙŠØ§ قيوم برØÙ…تك نستغيث. اللهم ثبتهم واهزهم Ø§Ù„ÙƒÙØ§Ø± والمرتدين. اللهم انصرهم نصرا مؤزرا. الاهم آمين