Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dagaallo culus ay qabsadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo isugu jira Kufaarta Kenyaati Gaalada Mareykan iyo Maleeshiyaatka Murtadiinta Soomaaliya’iyadoona dagaalka uu yimid kadib markii ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin weerar dhabba gal ah u dhigeen kolanyadaasi.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii 24 gaari oo gelbinayay saraakiil Mareykan ah ay kasoo bexeen magaalada Kismaayo ayna soo gaareen deegaanka Yoontooy oo kala qeybiya Kismaayo iyo Buulaguduud.
Weeraro dhabagal ah iyo qaraxyo ayaa gaadiidka ciidanka huwanta ku qabsaday duleedka deegaanka Buulaguduud, ciidamada Nasaarada Mareykanka ayaa watay Afar gaari nuuca soomaalidu u taqaan “Shanfarkaâ€.
Mid kamida gaadiidkii gelbinayay saraakiisha Mareykanka ayaa lala helay madfac RBG ah waxaana ku dhintay 7 askari oo uu kamid yahay gaandherigii gaariga.
Illaa iyo 5 kamid ah diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa dul heehaabayay goobta dagaalka balse lamasoo sheegin wax duqeyma ah oo ay geysteen.
Goob joogayaal ayaa sheegay in saraakiisha caddaanka ah marka ay soo gaareen Yoontooy ay dadka rayidka ah goob fagaara ah isugu keeneen waxayna u qeybiyeen warqado ay ku qoranyihiin magacyada saraakiil ay sheegeen in ay katirsanyihiin shabaabul Mujaahidiin iyagoona ka codsaday in haddii saraakiishaas arkaan ay kusoo wargeliyaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in cadawga wadajirka ay maanta gelinkii dambe Kismaayo dib ugu laabteen iyagoo wada 15 askari oo Meydad iyo dhaawacyo isugu jira.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay dib ula wareegeen dhammaan goobihii lagu dagaallamay.
Waa markii ugu horraysay oo ciidanka Nasaarada Mareykanka iyo kuwa Kenya oo wada socda ay dagaal si wadajir ah uga galaan gobolka Jubbada Hoose.
Halkan Ka Dhageyso Faahfaahinta.
Calamada.com