Faahfaahin Kasoo Baxeysa Weeraro Ka Dhacay Sh/hoose.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxayo Kamiin iyo dagaal toos ah oo ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo kuwa dowlada Ridada federaalka lagula beegsaday deegaano ka tirsan gobalka Shabeelada hoose.

Kamiinka waxa uu sigaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Buurka iyo Killi Caafimaad oo ah deegaano hoostaga deegaanweynaha Numbar-60 ee gobalka Shabeelada hoose.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kamiinkaasi dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen tiro askar Ugandheys ah oo qeybo ka ahaa kolanyada gaalada ee weerarka dhabba galka ah loo dhigay.

Dhanka kale ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar culus ku qaadeen isbaaro maleeshiyaatka dowlada Ridada ay dhigteen deegaanka Numbar-50  ee gobalkaasi.

Dagaalka waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kaasi oo dhawaaqiisa si aad ah looga maqlayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalka Shabeelada hoose.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay iney jiraan khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo maleeshiyaatka dowlada lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.

Calamada.com

Comments are closed.