Faahfaahin Laga Helayo Askar Lagu Dilay Gobalka Bakool.

Wararka ka imaanaya degmada Xudur ee gobalka Bakool waxey sheegayaan in weerar qorsheysan oo khasaara dhaliyay uu ka dhacay duleedka degmadaasi.

Weerarka oo ahaa mid dhabba gal ah waxaa loo dhigay maleeshiyaatka ka tirsan maamulka gaala raaca Shariif Sakiin oo ku socdaalayay duleedka degmadaasi.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in kamiinkaasi lagu dilay Saddex askari oo Murtadiin ah kuwaasi oo sidoo kale laga furtay saddex-dii qori ee ay ku hubeysanaayeen.

Kamiinkan ayaa imaanaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gudaha deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan ay ku dileen askari ka tirsan Murtadiinta kaasi oo sidoo kale ay ka qaateen qorigii uu ku hubeysanaay.

Calamada.com

Comments are closed.