Faahfaahin Laga Helayo Dagaalka Deegaanka Af-urur.

galgalo-duleedka-boosaaso-goolisWaxaa sii kordhaya khasaaraha maleeshiyaatka Puntland kasoo gaartay dagaal culus oo habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ay kula wareegeen deegaanka Af-urur oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka magaalada Boosaaso.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dagaalka ka dhacay deegaanka Af-urur lagu dilay Afar askari oo ka tirsan maleeshiyaatka maamulka Ashahaado la dirirka Putland.

Sidoo kale waxey Idaacada Andalus intaasi ku dartay in dagaalkaasi lagu dhaawacay Lix askari oo isla maleeshiyaatka Puntland ah’waxey sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta gubeen mid ka mid ah gaadiidka dagaalka oo maleeshiyaatka Puntland kaga carareen saldhiga deeegaanka.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Af-urur’iyagoona muddo saacada ah maamulayay deegaankaasi.

Calamada.com

Comments are closed.