Faahfaahin Laga Helayo Dagaalka Degmada Qoryooley.

QoryooleyCiidamo katirsan mujaahidiinta wilaayada Sh.hoose ayaa galabta dagaal si aad ah loo qorsheeyay ku qaaday fariisimo maleeshiyaadka kooxda ridada ay kuleeyihiin degmada Qoryooley, dagaal mudo kooban socday kadib ciidamada mujaahidinta ayaa gudaha ugalay degmada.

Maleeshiyaadkii kusugnaa degmada Qoryooley ayaa intooda badan waxay ay u yaaceen fariisinka ciidanka kuffaarta ay kuleeyihiin duleedka magaaladasi.

Sarkaal katirsan ciidanka shabaabul mujaahidiin ayaa idaacada islaamiga andalus usheegay in mujaahidinta labo gees ay ka weerareen degmada, dagaal mudo kooban socday kadibna ay gudaha ugaleen saldhigyadii maleeshiyaadka ay ka baqo carareen.

Meydadka qaar kamid ah maleeshiyaadkii dagaalka lagu laayay ayaa daadsan wadooyinka iyo xaafadaha magaalada.

Qasaaraha rasmiga ah ee cadowga dagaalka lagu gaarsiyay iyo xaalada guud halka ay kusoo dhamaato dib ayaan kasoo gudbin doona insha allah.

Xigasho Radioandalus24.com

Calamada.com

Comments are closed.