Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Sawirro
  • Muxaadarooyin
  • Maqal & Muuqaal
  • Home
  • Allposts
  • Faahfaahin Laga Helayo Qaraxa Lala Beegsaday Madaxweynaha Zimbabwe
  • Allposts
  • Warar

Faahfaahin Laga Helayo Qaraxa Lala Beegsaday Madaxweynaha Zimbabwe

June 24, 2018

Wararka ka imaanayo wadanka Zimbabwe oo kamid ah wadamada dhacaa koofurta qaarada Africa ayaa sheegaya in Madaxweynaha cusub ee dalkaasi Emerson Mnangagw  uu si dirqi ah kaga badbaaday isku dil dil oo lala damacsana.

Madaxweyne Mnangagwe ayaa xiliga uu ka badbaadayay isku dayga dilka ah ku sugna garoon lagu ciyaaro kubada cagta oo ku yaala Magaalada Bulawaayo oo ah magaalada labaad ee ugu weyn wadanka Zimbabwe, waxa uuna kula hadlayey kumanaan dad ah oo isugu soo baxay garoonka.

Marki uu dhameystay khudbadi u jeedinayey oo uu damcay inuu ka dhaqaaqo fagaaraha ayaa lala beegsaday Bomb gacmeed laga soo tuuray meel aan sidaa kaga fogen halkii uu kasoo dhaqaaqay, taas oo ku dhacday meel ujirta wax ka yar 1 Mitr oo toos ah.

Video lagu faafiyey baraha internetka oo ay duubeen kooxo saxafiyiin ah oo madaxweynaha la socday ayaa laga arki arkaa, isaga oo sii dhaqaaaqaya iyo bambka oo ka imaanaya dhankiisa bidix, ilbiriqsiyo gudahoodna ku qarxaya.

Tiro dad ah oo la socday madaxweyne Mwangagwe oo ay kujiraan ku xigeenadiisa, waziiro dowlada katirsan iyo ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay Bomb gacmeedkan halka tiro kale oo dad ahna ay ku dhinteen.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Zimbabwe ayaa lagu sheegay in Constantino Chiwenga iyo Kembo Mohadi oo kala ah labadiisa madaxweyne ku xigeen iyo waziir dowlada katirsan ay ku dhaawacmeen weerarki lala damacsana in lagu khaarijiyo, isagoona ku sifeeyey weerarka mid fulaynimo ah.

Manangagwa ayaa sheegay in qaraaxa uu ka dhacay meel dhowr Cent mitr ujirto halkii uu marayey, balse ajashiisa aysan galin, isku dayada noocaan ahna ay yihiin kuwa agtiisa caadi ah oo uu lasoo kulmay marar badan.

Waziirka caafimaadka Zimbabwe oo dhankiisa hadlay ayaa warbaahinta u sheegay in kudhawaad 45 qof ay ku dhaawacmeen weerarkaas qaraxa ahaa, kuwaas oo qaar kamid ah xaaladoooda ay liidato, sidoo kalena ay jiraan dad ku dhintay weerarka oo uusan faafin tiradooda.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa u badnaa masuuliyiin dowlada katirsan, kuwaas oo ka shaqeynayey xafiiska madaxweynaha iyo qaar katirsan gudiga qaabilsan abaabulka doorashada la filayo inay wadankaas ka dhacdo 30ka July ee nagusoo fool leh.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee wadanka Zimbabwe ayay dhaawacyadu kasoo gaareen dhanka lugaha, maadama ay bambadu ku qaraxday hoostiisa, waxaana la dhigay isbitaal caafimaad oo iminka xaaladiisa lagula tacaalayo, halka maxaweyne ku xigeenka labaad iyo xaaskiisa ay dhaacawyo soo gaareen, kuwaas oo sawiradooda lagu faafiyey baraha bulshada xili uu booqanayey Emerson Mwangagwe.

Madaxweynaha Emerson waxa uu abaabul xoogan ugu jiraa sidii uu ugu guuleysan lahaa doorashada dhici doonta 30 julay, xiliga qaraxa lala beegsanayana waxa uu kala hadlay dadka reer Zimbabwe qorshayaashiisa Mustaqbalka, si gaar ahna goobta waxa uu kula hadlay taagerayaasha xizbiga talada wadanka haya ee ZANU PF.

Warbaahinta caalamka ayaa si aad ah u hadal heyso arinkan ilaa hadana lama oga cida kadanbeyso weerarka qorsheysan ee looga takhalusi lahaa madaxweyne emerson Mwangagwe, oo xafiiska madaxweynaha la wareegay 24 Nov sanadi 2017ka.

Mwangagwe ayaa xilka madaxtinimada kala wareegay Madaxweynihi kaligiis taliska ahaa ee isaga ka horeeyey Robert Mugabe oo talada wadanka Zimbabwe xoog kusoo haystay 38dii sano ee lasoo dhafay, balse markii danbe si qasab ah xilka looga riday, kadib markii Mwangagwe iyo asxaabtiisa ay soo abaabuleen af gambit military oo si heer sare ah loo soo abaabulay.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa xilli maalinki shalay ahaa sidaan oo kale raisal wazaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed uu isna ka badbaaday isku day dil oo lala damacsana kaas oo ilaa hada aan la garaneyn cida sida rasmiga ah kaga danbeyso.

Abey axmed ayaa isna lagu tuuray Bamb gacmeed xilli uu ka qeyb qaadanayey isku soo bax weyn oo ka dhacay fagaaraha Meskel Square eek u yaala caasimada wadanka itoobiya ee addis Ababa, qaraxaas oo ay ku dhinteen ilaa 5 ruux ayna ku dhaawacmeen dad tiradooda ay gaareyso ilaa 165 kale.

Continue Reading

Previous: Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Sheegay Iney Qabsandoonaan Magaalada Muqdisho.
Next: Wargelin: Haddii aad Isticmaasho WhatsApp waxa laguu hayaa fursad!.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Toosinta Ubadka-Jimco-01-05-1444-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga
  • Warar

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Toosinta Ubadka-Jimco-01-05-1444-Hijri.

November 25, 2022
Shabaabul Mujaahidiin Oo Duqeeyay Xerada Daynuunaay.
  • Allposts
  • Warar

Shabaabul Mujaahidiin Oo Duqeeyay Xerada Daynuunaay.

November 25, 2022
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -01-05-1444 Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -01-05-1444 Hijri

November 25, 2022

Sawirro

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Tunni Oo Naf Iyo Maal Ku Taageertay Mujaahidiinta.

November 21, 2022
Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Xaflad 46 Arday Oo Dhamaystay Xifdinta Qur’aanka Kariimka.

November 17, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Jilib iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 16, 2022
Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin : Degmada Kamsuuma iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 15, 2022
Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Degmada Wabxo, Shacabkii Oo Faraxsan Oo Qoryahooda Wata.

November 14, 2022
Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Waxa La Baahiyay Q 2aad ee Sawirrada Dagaalkii Buurdaar.

November 13, 2022
Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Filim Laga Diyaariyay Shirkii Guud Ee Nuqabada Wilaayaadka.

November 12, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro

Sawirro+Warbixin: Degmada Jamaame Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 12, 2022
Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Bayaan+Sawirro: Shir U Socday Golaha Nuqabada Wilaayaadka Oo Soo Gabogaboobay.

November 12, 2022
Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Oo Laga Baahiyay Weerarkii Burdaar.

November 11, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Xagar Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 10, 2022
Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+Warbixin: Degmada Salagle Iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 9, 2022
Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawiro+Warbixin: Magaalada Saakow iyo Xamlada Waxbarashada Jubbooyinka.

November 8, 2022
Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Qaayib Iyo Qaniimo Faro Badan.

November 8, 2022
Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro+ Warbixin: Xamlada Tacliinta Wilaayada Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)

November 7, 2022
Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Akhriso+Sawiro Shir U Socday Culumada Wilaayaatka Islaamiga Oo Soo Gabagaboobay.

October 26, 2022
Copyright © All rights reserved. | MoreNews by AF themes.