Faahfaahin Laga Helayo Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Boosaaso.

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xiriir ah oo gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari lagula beegsaday maleeshiyaat ka tirsan maamulka gaala raaca Puntland.

Qaraxydan xiriirka ah waxaa si gaar ah loogu weeraray saldhig maleeshiyaatka Puntland ay ka sameysteen agagaarka dekeda Magaalada Boosaaso,iyadoona dhawaaqa qaraxyadaasi si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada Boosaaso.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in qaraxyadaasi lagu dilay Labo askari laguna dhaawacay Labo kale kuwaasi oo gabi ahaantooda ah maleeshiyaatka maamulka Ashahaado la dirirka Puntland.

Qaraxyadan waxey kusoo aadayaan saacado kadib makii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay gudaha magaalada Boosaaso ku dileen Gaase Dheere kaasi oo ahaa sarkaal ka tirsan dowlada hoose ee maamulka gaala raaca Puntland.

Calamada.com

Comments are closed.