Faahfaahin Laga Helayo Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Boosaaso.

Weerar qaraxyo ah oo loo adeegsaday Bambaanooyinka noocyada gacanta laga tuura ayaa lagu weeraray xero maleeshiyaatka Taraafikada maamulka gaala raaca Puntland ay ku leeyihiin magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Dhawaaqa qaraxyada Bam ee lagu weeraray xaruntaasi ciidan waxaa si aad ah looma maqlay qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha magaalada Boosaaso.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi Bambaanooyinka ay fuliyeen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey Andalus intaasi ku dartay in weeraradaasi ay sababeen dhaawacyada Labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Puntland kuwaasi oo la xaqiijiyay iney dhaawacyadooda culusyihiin.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa mudooyinkii dambe sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah maamulka Ashahaado la dirirka Puntland.

Calamada.com

Comments are closed.