Faahfaahin Laga Helayo Sarkaal Iyo Askar Muqdisho Lagu Dilay.

Weerar qosheysan ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho,iyadoona faahfaahin laga helayo weerarkaan.

Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xaafadda Say Biyaano ee degmada Hodan ku dilay sarkaal katirsan maleeshiyaadka Alpha Group ee Mareykanku tababaray iyo sedax askar oo ilaala u ahaa.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag ka tirsan Al Shabaab ay weerar  xirfadeysan ku dileen sarkaalka iyo Saddex-da askari ee ilaalada u aheed Sarkaalka kadibna ay si nabad gelya ah goobta uga baxsadeen.

Goobta weerarku ka dhacay oo aad ay ugu xoogantahay dowladda Ridada ayaa lagu kala cararay waxaana markii dambe soo gaaray Maleeshiyaat farabadan oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Comments are closed.