Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan ay ruxeen xaafado ay kuyaallaan saldhigyada ciidamada reergalbeedka ah ee ku sugan magaalada caasimadda ah ee Kaabuul.
Goob joogayaal ayaa u sheegay wakaaladaha wararka in laba qarax ay ruxeen afaafka hore ee xafiisyada adeegyada melleteriga iyo sahayda ciidanka ajaanibta ah ee Afghanistan ku duulay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxyada xoogooda ay jareen xarkaha korontada magaalada Kaabuul gaar ahaan dacalka Galbeed ee Magaalada.
Gaari xamuul ah oo lagasoo buuxiyay dhowr tan oo walxaha qarxa ah ayaa la xaqiijiyay in lagu weeraray xarumaha isbahaysiga NATO ee ku leeyahay magaalada Kaabuul.
Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lasoo sheegayaa in ay ka dhasheen weeraradan aadka u xooggan ee saaka aroortii hore ka dhacay magaalada Kaabuul.
Mujaahidiinta Taliban ayaa durbadiiba sheegtay mas’uuliyadda weerarka, sheikh Dabiixullaah mujaahid oo u hadlay Taliban ayaa sheegay in ciidankoodu ay beegsadeen isku imaatinimo ajaanib ah gaar ahaan daarta martida oo ay xilligaasi ku sugnaayeen saraakiil reer galbeed ah.
Taliban waxay sheegtay in weerarka ay qaadeen uu guul kusoo idlaaday, wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo inqilaamisiyiin ah ay gudaha ugaleen xarunta labeegsaday oo xilligaasi ay ku sugnaayeen 11 saraakiil ajaanib ah.
Goobta weerarku ka dhacay ayaa ku teedsan wadada dheer ee aadda garoonka diyaaradaha Bagraam oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidanka Mareykanka uga suganyihiin wadanka Afghanistan.
Ciidamada Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa howlgallo adag ka wada inta badan gobollada wadanka sida gobolka Qunduuz ee waqooyiga dhaca halkaasi oo ciidamada Imaarada Islaamiga ah  ay ku qabsadeen illaa iyo sedax magaalo.