Wararka ka imaanaya degmada Mandheera oo ka mid ah dhulka Kenya xooga kaga heysata Somali waxa uu sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin weerar ku qaadeen mid ka mid ah deegaanada dhaca duleedka magaaladaasi.
Weerarka waxey Shabaabul Mujaahidiiin ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Dabacity oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Mandheera’iyadoona ciidamada dowlada Nasaarada Kenya isaga carareen deegaanka kadib markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin kusoo dhawaadeen deegaankaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dagaal la’aan gudaha u galeen deegaanka kuwaasi oo dab qabadsiiyay xarunta deegaankaasi ay ku leedahay isgaarsiinta Safari Com oo ah isgaarsiin ay leedahay dowlada Nasaarada Kenya.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada Xarakada Alshabaab dab qabadsiiyaan xarumaha shirkada Safari Com ay ku leedahay dhulka Kenya xooga kaga heysata Somali.
Calamada.com