Faahfaahin Laga Helayo Weeraro Markale Ka Dhacay Muqdisho.

Xog dheeraad ah ayaa laga helayaa weerari isugu jira qarax iyo dil oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho weeraradaasi oo ay la beegsadeen saraakiil iyo askar ka tirsan dowlada Ridada.

Weerarka Kowaad oo ah qarax miino dhulka lagu aasay ayaa lala helay gaar Cabdi Bile ah oo uu watay mid kamida saraakiisha ciidamada melleteriga Dowladda Federaalka.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax ay ku dhinteen sedax askari oo mid kamida uu ahaa sarkaal ciidan sidoo kale waxaa ku dhaawacmay sedax askari.

Qaraxa ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Haanta dheer wuxuuna gaariga la qarxiyay ka yimid dhanka isgoyska Ex.control Afgooye ee duleedka galbeed magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale weerar xalay fiidkii ka dhacay degmada Wadajir ayaa lagu dilay mid kamida saraakiisha ciidamada Canshuur aruurinta ee Mini shiibiyada loo yaqaan.

Warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in rag bastoolado ku hubeysan ay dileen sarkaal lagu magacaabi jiray Xasan Sulub, xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Comments are closed.