Faahfaahin Qaraxyada Ka Dhacay Mandheera Iyo Mujaahidiinta Alshabaab Oo Sheegtay.

manderaWaxaa sii kordhaya khasaaraha ciidamada Nasaarada Kenya kasoo gaartay qaraxyo culus oo saacadihii lasoo dhaafay gilgilay magaalada Mandheera oo ka mid ah dhulka Kenya xooga kaga heysata Somali.

Qaraxyada oo gaaraya ilaa iyo labo qarax ayaa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aasa ee meelaha fog laga hago kuwaasi oo lagu aasay Kastamka magaalada Mandheera oo ah goob ciidamada Nasaarada Kenya gaadiidka ku baaraan lacagaha Canshuurtana ay kaga qaataan.

Jugta qaraxyada waxaa si aad ah looga maqlay guud ahaan xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Mandheera iyo qaar ka mid ah deegaanada hoostaga magaaladaasi.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in qaraxyadaasi lagu dilay afar askari oo Kenyaati ah islamarkaana lagu dhaawacay 7 askari oo ah ciidamada dowlada Nasaarada Kenya.

Dhowr jeer ayeey qaraxyo ceynkaan oo kale ah ka dhaceen Kastamka magaalada Mandheera oo qeyb ka ah dhulka aadka u ballaaran ee dowlada Nasaarada Kenya xooga kaga heysata Somali.

Calamada.com

Comments are closed.